Gudaha ka Akhri Nin Japanese ah ayaa geeriyooday isagoo isku dayaya inuu koro Figta Buurta Everest markii siddeedaad

Nin Jabaaniis ah ayaa dhintey intii uu isku dayayey inuu fuulo figta buurta Everest, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Nepal, qofkan ayaa noqonaya kii labaad ee u dhinto xilligan xaadirka ah.

Nin 36-jir ah oo lagu magacaabo Nobukazu Kuriki, ayaa dhintay kadib markii uu ku seexday taandho meel sare oo ah 7,400 mitir korka sare ee buur 9,000-mitir, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Dalxiiska. Faahfaahinta wixii dhacay ayaa weli aan la ogeyn sababtoo ah isgaadhsiinta oo xun kobta dhererkeeda.

Tani waa xilligii siddeedaad ee Kuriki uu isku dayay inuu koro u fuulo figta sare oo ah halka ugu sarreeyey adduunka, isla markaana ku guuldareystay 2012, ka dib markii uu laba maalmood ku qaadatay inuu gaadho siddeed kun iyo 230 mitir darajada xaraaradeeduna ka hooseeysay 20 heerka qabawga ee eber, taas oo keentay inuu ku waayo sagaal farood.

Saraakiisha ayaa sheegay in nin Macedonian ah lana yidhaa Georgi Petkov 63 sanno jir ah uu ku dhintay dhawr maalmood kahor intii uu isku dayayey inuu koro Everest, laakiin lagama bixin faahfaahin dheeraad ah dhacdada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso