Gudaha ka Akhri Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 6aad

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 6aad

 

Miyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?

Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka CSW, “Ku xeel dheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.”

Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn oo aanad isku fogaynayn sandaarsiga, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan inu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan ba kuwa afka laga isticmaalo ee cunis iyo cabbis ah.

Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo, oo afka sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aannu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toonna, oo uu helayo faleebo cunto iyo cabbis ba iskugu jirta oo awood uu kaga maarmo siinaysa, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo isaga oo ku jira gudashada soonka dhexdiisa.

 

Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebada dhiigga oo la yidhaah dhiig ayaa lagu shubayaa isaga oo sooman, maaha wax bannaan, sida oo kale dheecaanada nafaqada ee ka kaxaynaya inu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna.

 

Arrimahaa aynnu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa in uu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa tawskan ama gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashi su’aalahaasi waa mid qalbigiisa goojinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.

 

Biyaha  taranka oo la iska keeno soonka ma jabiyaan?

Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa buraya soonkiisii, waxana lagu leeyahay qallo maalintaas ah, se haddii si aan iska keenis ahayn ay kaaga yimaaddaan, tusaale adiga oo hurda oo aadan is ogayn, soonkaagu maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii aad gacantaada isaga keento iyo haddii fara-ka ciyaar xaaskaaga aad la samayso kaaga timaaddo waa mid jabinaysa soonkaaga.

 

Ma jiraan wax la isku khilaafsan yahay in ay soonka jabiyaan?

  • Hadduu qof bixiyo dhiig isaga oo sooman waa arrin laysku khilaafsan yahay oo culimada qaar waxa ay leeyihiin, “Waxa daciifaya awooddisii isaga oo marka hore ba iska daciif ahaa soonka dartii, sidaa ajligeed ma bannaana,” culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen, “Way bannaan tahay hadduu qofku karayo kamana jabinayso soonkiisa,” waana sida loo badan yahay.
  • Dadka xiiqda qaba naqaska ay afka ka qaatan soonka ma jabinayo sida loo badan yahay.
  • Qofka maalin Ramadaan istooba waxa loo badan yahay in aannu ka jabayn soonku.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso