Tacsi Madaxweyne Alle ha u naxariistee  Marxuum Cali Saleebaan Cabdi (Cali Hayste)

21/05/2018

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cali Saleebaan Cabdi (Cali Hayste) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/05/2018, magaalada Hargeysa, laguna aasi doono beri 22-05-2018-Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

 

Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo uu aabihii ahaa marxuumku iyo dhammaan reer Cali hayste.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday guurti ah oo magac ku leh bulshada reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer, isagoo ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada degan.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

— 

           

                   

Advertisement

Ku Xayeysiiso