Daawo-Masuuliyiinta Wasaarada Shaqogalinta Somaliland Ayaa Deeqo kala Duwan Gaadhsiisay Dadkii Ay Waxyeeladu Ka Soo Gaadhay Roobabkii Dabaylaa Watay

(Toggherer)-Masuuliyiinta Wasaarada Shaqogalinta Somaliland Ayaa Deeqo kala Duwan Gaadhsiisay Dadkii Ay Waxyeeladu Ka Soo Gaadhay Roobabkii Dabaylaa Watay..

Masuuliyiinta wasaarada shaqogalinta iyo arrimaha bulshada ayaa gadhsiiyey deeq iskugu jirta Bustayaal ,raashin iyo dharba waxay gaadhsiisay dadka ku dhaqan Gobolada awdal iyo salal oo ay axyeelo kasoo gaaday roobab laxaadle oo dhawaan ka da -ay deegaanadaasi.

Wasiirka Wasaarada shaqogalinta Somaliland Marwo Hinda gaani oo goobtaasika hadlaysay ayaa ka warantay in dadkaasi dhibaatadu soo gaadhay in ay dhibaatada la qaybsanayaan oo ay ka waraynayaan ayaa hadalkeeda sidan ku bilowday:

(Anagoo ka duulayna tiiraanyda qaranka oo dhan gaar ahaan walaalaayaga dhibaatadu taabatay ee gobolk salal iyo xeebalaydiisa waaanu halkani lughaya waxaanu ku wareejinaynaa iyo inta la midka ah waxaan halkani ku wareejinayaa guuleed cabdi xasan oo ka mid ah Guddida Gurmadka masiibadaasi alaab aan badnayn runtii ,laakiin aanu ka asaarada ahaan ku muujinayno dareenka aanu ka taagan nahay Bulshadayada cikastoo baahn meel kasta oo ay joogaanba waxaanay deeqdani iskugu jirtaa shan iyo toban kartoon oo darka carruurta yaryary ah,konton kartoon oo timir ah afartan bundadood ee bustayaasa ah iyo siyaadadaay wataan oo mucsiniin reer Somaliland ah ay soo bixiyeen oo ay ka mid ahaayeen shirkada dhismaha Barre iyocawil ay noogu soo kaalmeeyeen si aanu u gaadhsiino walaalahayaga ay dhibaatadu gaadhay mana aha gabogabo balse waxaanu doonaynaa in gurmadka degdega ah ee dhiig joojinta ah aanu kaga qaybqaadano).

Advertisement

Ku Xayeysiiso