Daawo/ Wardegdeg: Boqor Buurmadaw oo Racafaan ka Qaatay u dhalay in dib loogu xukumo sadex sano oo xadhig ah

Kadib markii ay maxakamada Gobolka Hargaysa ku xukuntay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw shan sano oo xadhig ah ayaa Boqorka iyo Qareenadiisii ay Racfaan ka qaateen xukunkaas .

Racfaankaasi kadib waxaa maanta dib loo eegay kiisiisii waxaanu Maxkamada racfaanku oo uu racfaan u qaatay ku xukuntay sadex sano oo xadhig halka ay layshayna laba sano oo anshax mari ahayd oo xaakinku u dheeraad ugu xukumay xukun kii hore.

Qareenadii Boqorka ayaa Racfaankan aan ku qancin taas oo ay racfaan labaad  u qaatay Maxakamada Sare oo ay ka war sugayaan go’aankeed.

 

Wixii war ah ee ka soo kordh isha ku ahay Togaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso