Daawo/ Wardegdeg ah : Ugu yaraan Shan iyo Toban ruux ayaa ku geeriyooday Roobabkii duufaanada watay Ee Gobolka Salal .. Sido kalena waxaa gabi ahaanba Go’ay Khadkii internetka ee Ka iman jiray Jabuuti

Daawo/ Wardegdeg ah : Ugu yaraan Shan iyo Toban ruux ayaa ku geeriyooday Roobabkii duufaanada watay Ee Gobolka Salal .. Sido kalena waxaa gabi ahaanba Go’ay Khadkii internetka ee Ka iman jiray Jabuuti

Sida Aanu wararka ku helayno waxaa Ilaa doraad da´aayey Robab duufaano wata oo Ku dherernaa Xeebta dheer ee dalka Somaliland. Gobolka Salal oo Xeeb dheer leh ayaa la soo sheegayaa in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan dad gaadhaya shan iyo toban ruux kuwaas oo sida la sheegayo ay adakaatay in meelaha qaarkood lagu gaadhi gurmad dhulka ah.

Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaan kala goo go’an magaalooyinkii Saylac, Lughaya iyo magaalooyinkii yarayaraa ee ku Hareeraysnaa.

Shir degdega ayaa madaxweyne kuxigeenku isugu yeedhay xukuumadiisa si gurmad loogu fidiyo dadkaasi roobabku tabaaleeyeen

Sidoo kale waxaa Gabi ahaanba Go’ay khadkii internetka ee ka iman jiray Dalka Jabuuti kuwaas oo ay isticmali jireen Shirkadaha Somcable iyo Somtel.

Ilaa hada ayaan waxba laga qaban arinkaasi waxaana la soo sheegayaa in labada gurmadba lala tacaalayo sidii xal loogu heli lahaa.

 

Wixii war ah ee ka soo kordha isha ku haya shabakada wararka ee Togaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso