Daawo-Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse Ayaa Dhalinyarada Qaranka Somaliland Ku Dhiirigalisay Difaacida Qaran-nimada Somaliland,Waxaanay Fariin U Dirtay Wasaarada Dhalinayarada ..

(Toggaherer)-Siyaasiyad Rooda Cabdi Muuse Ayaa Dhalinyarada Qaranka Somaliland Ku Dhiirigalisay Difaacida Qaran-nimada Somaliland,Waxaanay Fariin U Dirtay Wasaarada Dhalinayarada ..

Siyaasyada Rooda Cabdi Muuse Oo Arrintaasi ka hadlaysa ayaa tidhi:

(Waxaan doonayaa in aan maanta ku hadlo magacaya iyo magaca dhalinyarada somaliland ee jecel difaacida dalkooda hooyo waxaanan doonayaa in aan halkani fariin degdeg ah uga diro madaxweynaha Somliland Mudane Muuse Biii Cabdi waxaanan leeyahay waxaa maanta dalka difaaciisa diyaar u ah ku dhawaad milyan iyo Badh dhalinyaro ah oo shalay garabkaado midig ka maqna 1988 markii aad dagaalamayseen ,mudane madaxweyne waxaan doonayaa in aan kuu sheego maanta ma aha maalintaadii ee waa maalintayadii mudne madaxweyne waxaa codsigaygu yahay in aad noo diyaariso gaadiidka iyo shidaalada aanu ku gaadhayno jiida hore e dagaaladu ka socdaan si aanu uga barbar dagaalanno Ciidamada Qaranka somaliland .

Waxaan halkani hambalyo balaadhan u dirayaa Ciidamada Qaranka somaliland ee ku sugan jiida hore,waxaanan doonayaa in aan idinku hambalyeeyo guulaha wax ku oolka ah ee aad ka soo hoyseen jiida hore, waxaanandoonayaa in aan idinku hambalyeeyo libintii aad ka gaadheen dagalkii ka dhacay tuko raq iyo aageeda waxaanan idin leeyahay hambalyo waxaanan idin xasuusinayaa dad loo dhintoo dadkiina somaliland ka qaalisan ma jiraan .

Ninkasoo halganka ku suntan ee la yidhaahdo dadkan ayuu tacab ku lahaa taakan ha ahaatee marka dhigiisa ay tartamayaan waxaa tusaale idiinku filan AXMED SILAANYO IYO MUSE BIIXI ,iyadoo markay tartamaayeen shacabi weynaha Somaliland nin naba lama dardaaraynin iyagoo ka abaal celinaya dalka tacabka ay ku lahaayeen iyo dhiigoodii ay u soo hureen taasi ayaaba idiinku filan dhiirigalin hamblyo waxaanu taagan nahay garabkiina ciidanka Qaranka Somaliland hadii aad tihiin waan idinku hambalyeynayaa guulaha aad ka soo hoyseen aana aad ka soo hoynaysaan insha allah ,waxaanan doonayaa in aan dhalinyarada Somaliland fariino labaad halkani uga diro waxaanan leeyahay Qaran dheeman ah ayaaba lainna dhaxalsiiyey dhici maysee haddii aynuse qarankeena difaaci kari wayno waa ayaandaro,waxaanan fariin adag u dirayaa wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Dallada Guud dhalinayada Somaliland oo aan ka doonaayo in arrintaasi difaacida qaran-nimada Somaliland nagu hogaamiyaan ,waxaanan isu-duwayaasha gobolada ee wasaarada dhlainyarad iyo ciyaaruhu in ay bilaabaan diwaangalinta dhalinyarada doonaysa in ay difaacaan qarankooda)).

Diyaarinta Caydaruus Cismaan  (Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso