Wasiirka Maaliyadda: Wasiirkii u horreeyay ee yareeyay kharashaadkii ay sida arxan-darrada ah u lunsan jireen madaxdii hore ee wasaaradda

Wasiirka Maaliyadda: Wasiirkii u horreeyay ee yareeyay kharashaadkii ay sida arxan-darrada ah u lunsan jireen madaxdii hore ee wasaaradda
Mid ka mid ah waxyaabaha ay wasaaradda Maaliyaddu ku caana-maashay isla markaana loogu bartay, ilaa haddana dadyow badani u hanqal-taagayaan waa in sifo khaldan loo isticmaalo dakhliga ummada kaas oo dawladda ku soo gasha cashuur-ahaan.
Wasiirkan cusub ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, intii uu hayay xilka wasiirnimo, waxyaabihii uu sida xarragada leh ugu guulaystay bey ka mid tahay in la jaro dhammaan tuumbooyinkii sharci-darrada ahaa ee lagula bixi jiray hantida ummada.
In kasta oo ay tuumooyinkaasi noocyo badnaayeen, hadana, dhuumahaa sifaha sharci darro loogu adeegsan jiray lunsiga hantida ummadu waa qaar la yaab leh oo ay mararka qaarkood dad badan is weydiin jireen sababta keentay in dadka qaarkood si degdeg ah u taajiraan, halka ay qaar kale na hoos u dhac dhaqaale uun ku sii jiraan.
In badan baad maqashay dad leh bixin mayno cashuurta waayo kolayba waa la noo cunayaa; kuma baxayso halkii loogu tala galay! Garna wey u lahaayeen waayo ishooda ayaa macallin u ahayd.
Dadyow aan wasaaradda shaqaale ka ahayn oo guryo loo dhisay ayaa ka mid ah dhuumaha la gashaday qasnadda dawladda. Wasiiradii hore ayuun baa u qori jiray. Qaarkood waxay ka dabooli jireen kharashka guriga 10%, qaarkood 25%, qaarkood 75% halka ay qaar kale na ka dabooli jireen dhammaan kharashka ku baxaya guriga uu dhisanayo.
Waxaas oo lacag ah wasiirradu kamay bixin jirin jeebkooda balse waxay ka saari jireen hantida ummada. Laga yaabaa in aad ku dooddo “muwaadinku xaq buu u leeyahay in ay dawladdu u dhisto guri, balse xaqiiqadu waxay tahay, cashuur kasta oo la qaado waxay ku baxdaa hawlgal la yaqaanno. Tusaale ahaan, cashuurta wado marista baaburta waxa loogu tala galay in lagu horumariyo waddooyinka ee looguma talo galin in loogu dhiso guri shacabka.
Naas-nuujin aan xad lahayn, la-taliyayaal tiro beelay oo laga biiliyo wasaaradda, gunnooyin aan maskaxdaada galaynin iyo mashaariicyo maasiiri ah oo lagu naas-nuujiyo cid gaar ah ayaa iyaduna ka mid ahayd dhuumaha lagu laastay qasnaddii umadda.
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi waa wasiirkii kaliya ee soo maray wasaaradda kaas oo ku guulaystay in uu jaro dhammaan kharashaadka ku dhici jiray jeebadaha dadyaw gaar ah.
“Dakhli-cashuureed walba meel loogu tala galay ayuu leeyahay!” waa mid ka mid ah mabaadi’diisa u gaar ka ah taas oo ay ujeedadeedu tahay in cashuurta ummada laga qaadayo ay ku baxdo sababta looga qaaday oo ah in lagu horumariyo iyaga.
Tani waxay jawaab u tahay sababta ugu weyn ee wasiirka looga sameeyo boro-bogaandada in ay tahay iyada oo ay dadkaasi ka waayeen wasiirka wixii ay uga barteen oo ahayd in ay ka helaan lacag aanay shaqaysan oo tiro badan iyo mashaariic aan soo marin guddida qandaraasyada taas oo ay bareen wasiirradii uga horreeyay ee kala ahaa Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Samsam Cabdi Aadan.
Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi waa wasiirka kaliyaata ee lagu aamini karo ilaalinta hantida ummada maadaama oo uu ka cidhib-tiray wasaaradda lacagtii ku dhici jirtay jeebadaha dadyaw gaar ah kuwaas oo noqday dhiig-miirato , isla markaas na, ay taasi sabab u noqotay in ay dhiig-miiratadaasi wasiirka ka baahiyaan boro-bogaando iyo been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn si ay u helaan wixii ay u barteen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso