Qoraa hal-abuur Xamse Riraash Oo maanso Ka Tiriyey Fadliga Ramadaanku Leeyahay

Qoraa hal-abuur Xamse Riraash Oo maanso Ka Tiriyey Fadliga Ramadaanku Leeyahay

Waxa iftiintay ashhar
Ajarkeedii uu weynyahay
Aakhiriyo aduunkana
Ugu sidata kheyrkee
Allahayow na garansii!

Waa bil cibaado ahoo
Anbiyudu ducaysoo,
Aayadaha qur’aankuna,
Kusoo dageen aduunkee,
Allahayow na garansii,

Axadiistii Rasuulkuna,
Horey Ugu sheegeen,
Inay tahay bilkhayr lehoo,
Alla  uu ciseeyee
Allhayow na garansii.

Arrimahaaga gaarka ah,
Hadii ay adkaadaan,
Amma aad illowdid,
Bishan baa u dawaaee,
Allahayo na garansii.

Aadan iyo intuu dhalay,
Allihii abuuraa,
Uga dhigayna waajibee,
Allahayow na garansii.

Asxaabtii udgoonayd,
Sida ay u joogeen
Allay ka tuugi jireen
Inuu ku simo samankanee
Allahayow na garansii.

Allihii na uummoow
Aduunyadan lahaayow,
Adaan kuu macbuud nee,
Xaqeeda uun nagaransii

Advertisement

Ku Xayeysiiso