Ururka Xakamaynta hubka kiimikada oo xaqiijiyay weerarka gaaska chlorine ee magaalo Syria

Ururkii Mamnuucidda Hubka Kiimikada ayaa xaqiijiyay isticmaalka gaaska chlorine weerarradii ka dhacay magaalada Sarqib ee gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Ururku wuxuu sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday magaalada oo ay haystaan xukumaana mucaaradku bishii February.

Helitaanka Weelkii Chlorine oo madhan, maaddooyinka deegaanka iyo markhaati fur goob joog ah ayaa xaqiijiyay isticmaalka gaas sun ah ee weerarrada, ayay hay’addu sheegtay.

Se Hay’addu ma aysan sheegin cidda ka dambeysay weerarka.

Weerarka, 15 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacay waxaana Cisbitaalka la geeyay iyaga oo dhibaato xagga neefsashada ah qaba ka dib markii weerar lagu qaaday magaalada.

Dawladda Suuriya waxay inta badan diidaan isticmaalka hubka kiimikada ah oo ay ku weerarto kooxaha kasoo horjeeda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso