Kenya : Xabsi laba sano ah Iyo Ganaax $ 50,000 Waa Ciqaabta Qof Sheega macluumaadka beenta ah!!


Madaxwaynaha Kenya Uhuro Kenyatta ayaa soo saaray sharci cusub oo $ 50,000 ku ganaaxaya qof kasta oo la wadaaga macluumaad khalad ah khadka elektaroonik ahaan.

Kuwa lagu xukumay sharcigan waxaa laga yaabaa inay la kulmaan illaa laba sano oo xadhig iyo ganaax ah.

Saxafiyiinta Kenya ayaa walaac ka muujiyay sharciga, iyagoo sheegay in ay carqaladeynayso xorriyadda saxaafadda ee dalka.

Macluumaad iyo warar been ah oo lagu faafiyey Baraha bulshada ayaa door weyn ka ciyaartay doorashadii sanadkii hore.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso