Gudida Fulinta Gaaroodi iyagoo Ku hadlaaya Magaca Xubnaha Gaaroodi Waxay Hambalyo u dirayaan Shucuubta Muslimka Gaar ahaan Shacabka Somaliland Curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Ururka Gaaroodi, waxay Hambalyo hawada u marinayaan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan, dhamaanba umada muslimiinta Gaar ahaan reer somaliland.

Waxaynu ilaahay ka baryeynaa in acmaasha bisha ramadaan ilaahay inaga aqbalo .In ilaahay inoogu denbidhaafo bisha ramadaan, in ilaahay inaga yeelo dadka naarta laga xoreynayo bisha Ramaad.

Waa bisha Sadaqada iyo Quraan Akhriska, waa bisha cibaadad aad loo kordhiyo,
Ilaahay bisha ramadaan camalkeena ha inaga Aqbalo, ilaahay dadkii inaga dhinyey haw naxariisto, ilaahay dadka inaga xanuunsanaya caafimaad ha siiyo, ilaahay khaatimadeena khayr ha inoogu khatimo.

Gudiga fulinta ee Gaaroodi

Advertisement

Ku Xayeysiiso