Ka Hor Ciqaabista Shirkadda REDSEA Xafiiska Laabka in la Xidhay ahayd `10.05.2018kii Qorraa Cali Dool Axmed (ex.C.qoryoley)

Bismillaahi raxmaani raxiim

Hashu maankayga gadaye ma masaarbay laqday?, ayuu yidhi,ninkii arrimuhu ka gadmadeen.
Somalidu waxay tidhaahdaa,nin soo jeedo lama toosiyo,waxa kale oo ay ku maahmaahdaa,gari allay taqaanaaye Ina Sanweyne ma taqaano,nimanyohow haddaad u kuurgashaan dooda sharci ee dhextaala,shirkadda REDSEA ee shidaalka keenta iyo wasaaradda ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland,cibra weyn ayaa idiin kordhaysa,cabsi badan iyo welwelna wuu kulasoo dersayaa,maxaayeelay
Haddii aanay wasaaradda ganacsiga taladu ka gadmanin,oo aanay wax ismoodsiinin,in la ganaaxo iyo in la xadhiba waxa xaq u yeelanaya,xafiiska ilalainta tayada shidaalka

Somaliland,kaasoo markii uu laabka mariyay,shidaalkii Redsea,waa OK yidhi ee weliba siiyay shahaadada caddeynaysa inuu yahayshidaal saxsan,balse malaha waxbaa xukuumadeena ka gadmaday,waxaasoo inay dhakso u saxdo ay tahay.
Aan ku bilaabee,daxa dareen cabsi weyni ku ladhatan tahay igu abuuray,qaabkii ay xukuumadeenu u mamnuucday,badeecaddii Basasha ee dalalka jaarka inooga iman jirtay,waa go’aankii ay wasaaradda ganacsigu ku mamnuucday,Basashii dalka imanaysay,xaqiiqo ahaan,waxa uu ahaa go’aan aad loogu degdegay oo aan innaba la
daraasadeyn,laga fiirsan,la ruugin,naxariis shacab loo eegin,khasaaraha ku imanayay ganacsatadii dalka ee digniin la’aantii sida degdeg ah malain keliya loogu mamnuucay basashii dhexda kusoo jirtay ee ganacsatada yaryar lacag badan kusoo iibsadeen,go’aankaasi waxa uu igu abuuray, welwel weyn oo caddaaladda iyo mustaqbalka ummada Somaliland ku saabsan.
Sikastaba ha ahaatee Akhristayaal,go’aankaas xukuumada ee ciqaabta iyo ganaaxa Redsea ah, haddaad dhugatid marka hore, cibra weyn ayaa kuu kordhaysa, haddii aad il caddaaladeed,oo dareen masuuliyadeed ku ladhahan aad ku eegtid,muranka dhex yaala shirkadda Redsea iyo xukuumada Somaliland ,maxaayeelay islamarkiiba waxa kuu muuqanaysa,
a) daraasadeyn la’aantii xukuumadda Somaliland,ee ciddii sharciyan qarankan ugu xil saarayd baadhidda tayada shidaalka dalkeena soo galaya,islamarkaana awoodda loo siiyay inay joojiso shidaalkasta oo khaldan,shidaalkii ama badroolkii xummaa innaga qaban weyday.
b) Waxa makaxdaada ka weynaanaya,soo hadal qaadis la’aanta xukuumada Somaliland ee xafiiskii ay dowladda Somaliland hantida badan ku asaastay,ee keliya ilaalinta tayada shidaalka u xil saaraa,xafiiskaasoo bilkasta shaqadaas qaran ku qaata hanti aan ka yarayn 150,000 oo dollar,
Marka labaadna muwaadinoow,waxa naftaada gilgilaya cabsi maamul xumo,cabsi si xun u isticmaal awoodeed iyo welwel mustabalka ummadda Somaliland ku saabsan oo calooshaada gubaya ayaa naftaada ku habsanaya marka aad arrimahan eeg eegtid
1) Marka aad dhugaysatid hadalkii gudoomiyaha shirkadda Redsea ee ahaa,”habka ay wasaarada ganacsigu go’aanka ganaaxa redsea usoo saartay,waxsharci ah iyo qodob xeer ah midna looma cuskanin,iyo habka xukunka

naloogu qaaday ayaanan waafaqsanayn xeerarkii garsoorka,waxadna moodaa in shirkadda REDSEA loo qabay cadho gaamurtay “.
2) Cabsibaa ku galaysa marka aad dacwadda noocaas ah ee uu jeediyay Sh xasan Cabdisalaan aad dhuuxdidna,maxaayeelay cabsi weyn ayaa ku hor imanaysa,waxayna naftaadu isweydiinaysaa,haddii shirkadihii waa weynaa ee ilaa 90aadkii shaqaynayay,ee aan manta ka hor shidaal khaldan dala keenin. Raggii awoodaha bulsheed iyo ixtiraamka diineed bulshada ku dshex lahaa, sidaas i loogu badheedhayo,maxaad u malaynaysaa,muwaadiniintii tabarta yaraa,dadkii masaafurka iyo martida ahaa,dadkii mucaaradka ahaa ee ololihii doorashada ka cadhaysiiyay madaxdii xisbigii kulmiye iyo dadkii daciifka ahaa ee dumar iyo ragba lahaa ee habeen iyo malain dhawaaqayay, iyaga oo TVyada taagan kuna dhawaaqaya xukuumadayadiiyeey xaqayaga eega?.
3) Cabsida waxa kugu abuuraya,khalad ku dhiiranaanta xukuumadeenii aynu jeclayn,ee aynu rajada weyn ka qabnay ee aynu dhowaan dooranay,ee aan weli umul bixin,taasoo aad moodo ama ay dad badan aaminsan yihiin,inay lasoo baxday laba arrimood oo khatar ah, sida
a) Xukumaddeenii oo loo arkay,mid aan Ilaahay ka cabsanaynin,taasoo cabsida ilaahay awgeed ay ku kahsbayso, inay dadka u caddaalad fasho.
b) Xukuumadeenii oo loo arkay mid aan Adame ka baqanaynin,baqahaas dadweynuhuna uu ku khasbayo, inay go’aanadooda mamaul,go’aanadooda siyaasadeed,go’aanadooda garsoor iyo go’aanadooda daryeelis dadeed ay ka caddaalada fasho.
Hadaba aan sida dadka caadiga ah u hadlee,waxan ku odhanayaa ,xukuumaddacusub ee Somaliland,iyo maxkamadaha dalka ee ay shirkadda Redsea u dacwootayba,walaalayaal dadka u caddaalad fala,oo ha ku dactiyina,qofwalba waxa uu xaq u leeyahay,wada garanaysaane,kas ha u garab marina,maxaayeelay haddii ay xukuumaduhu caadaystaan,inay dadka qaar ama kuwii ay necbaayeen ayulakas ugu gaboodfalaan,oo u ciqaabaan,waxa dhaqankooda ka mid noqda, inay marka dambe ay cidkasta ku gaboodfalaan oo ay iska ciqaabaan,dad aan wax dembi ah,gelin,aniguna sidii cigaal shiidaad uunbana leeyahay,amay waddo halaq noqotaaye,talooyinka nasteexa ah, sida middan sare khalad iyo xummaan ha u arkina.

Advertisement

Ku Xayeysiiso