18 may waa 18 may waana maalin qaran


Waxa wax laga xumaado ah in maalintii xuska qaranka Somaliland ee la yagleelay jamhuuriyadan barakaysan ee somaliland in ay masuuliyiintii mayalka hayey ay xusudii maalinta muhiimka ah ee maalinta qudha ee qarankan somaliland lahaa xusudiisii laga doorbiday gaardi iyo Dhoolo tus ciidan iyo cududayada eega Taas oo runtii Haday cid wax u tarayso u tarilahayd xisbigii kalitaliska ahaa ee kacaanka shuuciga ahaa ee moxamed siyaad Bare oo ku caan ahaa hadii xus lasamaynaayo in ciidan iyo shacab la gaardisiiyo Hadaba sidoo kale ayaad moodaa In xukuumadeenan somaliland ee kornayladu mayalka u hayaana inay wax u wado raadkii dowladii macangaga ahayd ee dalkii aynu kasoo gonay ka talin jirtay Taas oo runtii gardaadisay madaxda iyo hogaanka sare ee dalka ayna raad raacayaan madaxdeenu,
18 may waa in laxusaa 18 may oo lagu xusaa Cibaado iyo allehBari iyo wada afur waayo waa sanadkan sanad ayka barako badantay may dhicin waayo waa
Maalin Jimce ah.
Waa barwaaqo dalku.
Waa nabad dalku.
Waa Ramadan oo bishii barakaysnayd.
Waa bishii samadu furnayd.
Hadii aynaan firsadaa Ilaahay ina siiyey ee uu ku beegay maalinteenii qaran aynaan Ilaahay ku Xamdi iyo dalabsan San iyo Ilaahow ictiraaf noogu dar ugu ducaysan weyno waxaynu noqonaynaa qaran wanaagii iyo ku xamdigii Ilaahay iyo laylatul khadarkii seegay hubaal.
Magaalo walba shacabka ku nool hadii salaada Jimce meel kuwada tukado 18 may oo wadooyinka intay gogladaan ay meel ku wada afuraan oo taraawiixda meel ku wada tukadaan habeenkaa ilaahayna wada baryaan ictiraafka ka dhimana Ilaahay weydiistaan hubaal ruux lagu jiro ilaahaybaa oge in aanu mowle qaran dhan oo u wada cibaadaystay wax la’aan direen siduu diinteena ku xusan.
Se hadii gaardi iyo cududayada eega iyo istusnimo inaynu ku xusno laga doorbidno waa wax laga xumaado Ilaahow adaa mahadaa leh baladkayaga barwaaqada iyo nabada kayeelay Kun jeerna waanu kuugu xamdiyeynaa ee noo siyaadi Aamiiin.

Ilaahaybaa mahad leh

midnimana Somaliland
Fuad Fartaag

Advertisement

Ku Xayeysiiso