Akhri-EX WASIIR CUMAR SHUCAYB AYAA BEERALEYDA DALKA KU DHIIRIGALIYEY WAX SOO SAARKA WADANKA.

(Toggaherer)-EX WASIIR CUMAR SHUCAYB AYAA BEERALEYDA DALKA KU DHIIRIGALIYEY WAX SOO SAARKA WADANKA.

WAsirkii  hore Ee waraasada Ganacsiga Somaliland Dr-cumar shucayb  oo imika ka mid ah beralyda wadanka  oo wax soo saar ku dhaqaqay ayaa ku dhirigaliyey Beeraleyda dalku in ay wax soo saarka kobciyaan ,halka uu sidoo kalena xukuumada Somaliland u ku amaanay sida ay u dhiirigalinayso beeraleyda dalku in ay wax soo saar ku dhaqaaqaan si aynu uga maaranno cuntooyinka wadanka dibadiisa la inooga keeno, wasiirka oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Wadankeena ceeb ayey ku tahay in aynu basal beeran kari wayno waxaana la inoo keeni jiray qajida oo dalka dibadiisa ayaa la inoo keeni jiray ,gurigaaga hortiisa ayaad ku beeran karnaa basasha ,wax badan ayeynu beeri karaynaa ,aniguna istoogii ugu horeeyey ee aan beeray waxa uu la kulmay xilli ay itoobiya ay ku furan yihiin oo wixii naga galay wax ka yar ayaanu ka helnay o imikana way socotaa ,runtii wasiirka ganacsiga waan ku hambalyeynayaa  in wasiirka ganacsigu u basasha iyo axyaabaha dalka laga soo saari karo uu hakiyo .

Xukuumadii hore ayaa wareejisay ,Markii  aan joogay wasaarada ganacsiga warshadihii lagu wareejiyey sibidhka maalgashigiisa waxan xiligaasi aan iskugu yeedhay sadexdii warshadihii lasiiyey maalgashiaga,waxaana la sameeyey lacagtii loogu talogalay in warshadii lagu soo iibiyo oo Guddi ayaa loo saaray waxaanay ahayd in ay waqti horeba bilaabaan oo mudadii dowlada hoose u qabatay ayey ahayd in ay ku bilaabaan ,isla markaasina ya ahayd in waqtigan la dhisayo dekeda in aan looga baahan sibidh dambe oo dibada looga baahan markaasina dhawaan ayaa la bilaaabayaa markaasi intan ka horaysaa waa inta ay ku jirto hanaanka nidaameed waxaanan aaminsanahay waa xiligi ugu horaysay oo dhaqdhaqaaqeedu aad u ficnaa.

Halkan waxaan baaq nabadeed u marinayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmarayso ,waxaanan leeyahay dadkaasi waa dad walaalo ah waxaanan u baahan nahay haddii ay iyagu heshiin waayaan waa in aynu inagoo bulshadeenii oo kala duanaa aynu si degdeg ah u kala dhegalno).

Advertisement

Ku Xayeysiiso