Mudane Madaxweyne 4-ta sanno ee soo socdaba 18-ka May waa Ramadaan dhexdeed.


“Calanyohow dhallaankiyo
Bulshadoo dhan-qalantoo
Xaqeedii la dhacayoo
Dhaqan iyo dhaqaaleba
Laga dhaxal wareejoo
Dhidarkiyo waraabuhu
Qabriga ugu dhacay baa
Rag ka dhiidhiyeenoo
Geeri u dhadhamiyeen
Dheg ilaalintaadiyo
Sharaf dhawridaadee
Dhalashadu May baa?”

Haddii aad u fiirsatid maalinta 18 -ka May sannadaha soo socda 2018, 2019, 2020 iyo 2021, waxay ku beegan tahay bisha Ramadaan dhexdeeda. Haddaba ma sidaas maanta oo kale uun baa looga guurayaa sannadaha soo socdana? sow carruuraha iyo dhallaanku maalintoodii qarranimo ilaawi maayaan.

Miyaanay iska caadi noqonaynin in marka danbe la yidhaaho ha la iska daayo xuskeeda, hadday sidaa u qiimo liidato. Mida kale muhiim maaha in awoodaada ciidan dadku arkaan, subaxnimada hore ciidamadu way mari karayaan, dhibaatona kuma jirto. Bal Jaantuskan hoose ka daawo mid kasta waqtiga xisaab ahaan ay ku beegmayso, haddii illaahay ka dhigo.

Sannadka Billowga Ramadan Dhamaadka Ramadan
2018 15 May 14 June
2019 5 May 4 June
2020 23 April 22 May
2021 12 April 11 May

Su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, weligaa miyaad aragtay maalmaha 26 june, 27 June iyo 1-da July oo laga bedelay taariikhda xusitaankooda. Oo Dawladahoodu go’aamiyeen in laga bedelo maalintaas qaran.

Dhinac kale aan kaa tusee, tusaale ahaan 3-dan dal ee muslinka ah mid walba Maalinta qarankoodu bishan Ramadaan bay ku beegan tahay, dal doonaya inuu maalintaas ka bedelaana ma jiro. Waana kuwan.
1. Yemen waxay maalintooda qaranimada ee midowgii koonfurta iyo waqooyigu ku began tahay 22 May 2018, oo ah bishan Ramadaan dhexdeeda mana jirto cid ka bedeshay.
2. Jordan waxay maalinta qaranimadoodu ku beegan tahay 25 May, 2018 , waayo waxay Ingiriiska ka xoroobeen 1946-kii. Waana bishan Ramadaan dhexdeeda mana jirto cid ka bedeshay.
3. Azerbaijan waxay maalinta xornimadoodu ku beegan tahay 28 May, 2018 oo ah bishan Ramadaan dhexdeeda mana jirto cid ka bedeshay.

Isku soo xooriyoo Maadaama maalintani ka mid tahay 11-ka maalmood ee qarankani leeyahay, waxaan weli ku adkaysanayaa in maalintaas qaran loo daayo maalinteeda. Si aanay u noqonin wax dadku iska ilaawaan oo aan qiimo badan ku fadhiyin.

Guntii iyo gebagebadii waxaan rajaynayaa in Madaxda xisbigayga KULMIYE iyo dawlada mujaahidku hogaaminayaa maalinta qaranimmada u dayn doonaan maalinteedii oo ahayd 18-May 2018.

Mubarak Qoorubaxay
Sweden.

Advertisement

Ku Xayeysiiso