War Deg-Dega Abwaanad Naciima Abwaan Qorane Oo Lagu Wado In Baritoole Xoriyadeedii Hanato

Hargeysa (Togaherer)-Wararka caawa naga soo gaadhaya magaalada Hargeysa ayaa tibaaxaya in maalinta baritoole ah xoriyadeedii ay heli doonto Abwaanad Naciima Abwaan Qorane (Af-Janno). warkan oo naga soo gaadhaya ilo wadareedyo kala duwan oo ku dhaw-dhaw xafiiska Madaxweynaha iyo dhinaca caylada Abwaanada ayaa noo kala xaqiijiyay. Abwaanada ayaa muddo laba bilood iyo jar jar uxidhnayd socdaal ay ku tagtey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. Dhanka kale doraad kulan Madaxweynuhu uu la yeeshay Aabaha dhalay Abwaanada iyo Kornayl Cabdilaahi Kaahin ayuu Madaxweynuhu u xaqiijiyey inuu sii daynayo oo uu cafis madaxweyne u fidinayo.

 

Wixii kasoo kordha kala soco Togaherer.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso