Laba Duuliye Faransiis ah oo iibsaday diyaarad si ay u badbaadiyaan muhaajiriinta badda Mediterranean-ka

Laba Duuliye oo aasaasay Urur ay ugu magac dareen “Pilotes volontaires” si ay u badbaadiyaan muhhaajiriinta dhibbanayaasha ku ah badda Mediterranean-ka waxayna u iibsadeen diyaarad ujeedadan.

Labada duuliye waa Josie Benavan 49 sanno jir ah iyo Benoa Mikulun oo isna 35 Sanno Jir ah.

Labada duuliye ee Faransiiska ah ayaa qorsheeyay maalintii labaad ee bisha May inay ku sameeyaan duulimaadkii u horeeyey diyaaradda yar ee “Colibri” Taas oo ay ku iibsadeen 130,000 oo Euro, iyada oo ujeedadu tahay in duusho cabir dhan dherer ahaan 150 km iyo 50 km oo balac ah waqooyiga Tripoli, gobolkaas oo inta badan dhacdooyinka qaraqu ka dhaco lagana fuliyo hawlgallada samata bixinta ah.

“Xukuumadaha yo hay’adaha aan dowliga ahayn waxay u baahanyihiin in laga caawiyo kormeeraan oo ay xakameeyaan doonyaha soo galootiga ah ayna keenaan macluumaadka iyaga ku saabsan,” ayuu yidhi Mikulun.

Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), in ka badan 170,000 oo muhaajiriin ah ayaa yimid Yurub iyadoo ay ka soo talaabeen Mediterranean sanadkii hore.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso