Trump oo Si Shakhsi ah uga Qayb gali doona furitaanka Safaaradda Mareykanka ee magaalada La haysto ee Qudus


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu si shakhsi ah u aadi doono magaalada Qudus si uu uga qeyb galo xafladda furitaanka safaarada Mareykanka ee dalka Israa’iil bishan,Sidaana waxa uu ku sheegay shirkii jaraa’id ee Aqalka Cad ee Salaasadii.

Xaflada Raritaanka Safaarada Maraykanka ayaa la rajeynayaa in ay dhacdo 14-ka May .

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay 6-da December in Maraykanku uu si rasmi ah ugu aqoonsaday Qudus-ta
la haysto caasimadda Israel, wuxuuna amar ku bixiyay in safaaraddiisa dalka Israel laga soo wareejiyo Tel Aviv lana geeyo magaalada Quduus taas oo xadgudb ku ah dhammaan qaraarada QM ee ku saabsan Sharciyada Magaalada Qudus.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso