dowladayadu waxay la saxeexatay Heshiiskaa xukuumadihii Soomaaliya ee hore.

 

 

Anigu ninkan Wasiiru Dowlaha Arimaha Debeda ee Imaaraatka Anwar Qarqaash, page kiisa Twetter ka waan galay maanta, hadalkiisana kama helin page ka, si kastaba ha ahaatee, hadii turjumad hadalka la khaldo, wax badan lagama fahmi karo ujeedada, taas oo aan ku arkay dhowr page oo Facebook ga ah iyo weliba Websiteyo dhowr ah, marka aniga oo si xarfi ah u turjumay, ninkan Anwar Qarqaash sidan ayuu hadalkiisa u Dhigay:

 

(Ilaa intee ayuu sii socon karaa khilaafka la abuuray, ee ay Qadar  dabada ka riixayso, ee anaga iyo walaalahayo Soomaaliya, dowlada Imaaraatku waxay ilaalinaysaa midnimada Soomaaliya federaal ah dhul iyo dadba. Heshiiska Saldhiga Berbera dhib kuma ah cidna ama diiqad kuma ah cidna, dowladayadu waxay la saxeexatay Heshiiskaa xukuumadihii Soomaaliya ee hore, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Maamul goboleedyadu, waxan rajaynaynaa in kalgacalka iyo walaaltinimad anaga iyo xukuumada Muqdisho ay wax kasta ka waynaato. dhamaad.)

 

waxa xusid mudan in ninkanu hadalkiisii hore ee waraysigii BBC da, ku sheegay in arinta Berbera ay isfaham cad kala lahaayeen xukuumadihii hore ee Soomaaliya!! Arinta Berbera ee uu kaga hadlaayo Qoraalkan waa Saldhiga ay halkaas ka wadaan howshiisa, ee maaha Arinta Dekedaha iyo DP World, oo aad moodid in aanay khusayn isaga!

 

Hadalkiisan maantana wuxuu yidhi: Heshiiska Saldhiga Berbera dhib kuma ah cidna ama diiqad kuma ah cidna, dowladayadu waxay la saxeexatay Heshiiskaa xukuumadihii Soomaaliya ee hore, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Maamul goboleedyadu.

 

Marka marna Isfaham buu sheegay, marna Saxeex iyo Heshiis, in kasta oo Isfahamku hadii uu Qoraal yahay loo adeegsan karo Heshiis ahaan, waana sidii ay ka yeeshay Kenya arintii Badda. tan kale ee xusida mudan waa ninkanu  labada goorba sheegay in Xukuumadihii hore arintan ku lug lahaayeen, oo ah tii Sheikh Shariif iyo tii Xasan Sheikhba, taasna waxay is waafaqayaan Warbixintii Website ka Faransiiska (France), oo xustay in Arinta Dekeda Berbera ay soo bilaabantay 2010 kii, oo ah xiligii uu Sheikh Shariif Madaxwaynaha ahaa, Cumar Cabdirashiidna Ra’iisal Wasaaraha ahaa.

 

Hadaba sida warbaahinta Soomaalida iyo Baraha Bulshadu ku kulanto lagu faafinaayay oo Qoraalkan la xidhiidha ilaa shalay, waxay  leedahay Imaaraatkii waa calaa calayaan, oo saaxiga ayay keeneen!! Bal se sida Qoraalkan ku cad Imaaraatku halkii ay markii hore ka taagnaayeen Arintan waxba iskama bedelin, aan ka ahayn in ay yaaban yihiin! Oo rumaysan la’yihiinm Madaxda Soomaalida ee cusub!!

 

Hadaba halka ay Sartu ka qudhuntay, Salaaduna ay iska qabsan la’dahay!! Waa in aanay Madaxda Imaaraatka, oo wada dhalinyaro ah, wax badana aan Soomaalida ka aqoon, aanay weli arag nin Soomaali ah, oo Madax ah, ama kuwa Qaran ha ahaadeen ama kuwa Maamul Goboleed ee, oo sharaf iyo damiir leh, wadani ah, oo dalkiisa iyo dadkiisa u damqada, oo wanaagiisa jecel, xumaanta iyo sharaf darada diida, may arag mudadaa 28 sano ah, odayadoodii Imaaraatka ee Soomaalida yiqiinayna way wada dhinteen. Sidaas awgeed madaxda Imaaraatka waa u cuntami wayd ficilada Madaxda Soomaalida ee hada! Way liqi kari waayeen! Waayo ugama baran ficiladan Madaxdii Soomaalida ee hore.

 

Waxana Arintan sii murgiyay, waa in dhalashadii dowladeenan cusub, ay la kowsatay Khilaafkii ka dhex curtay wadamada Carabta, sidaas darteed Imaaraatka iyo dowladaha xulufada la ah, waxay aaminsan yihiin in dowlada Qadar iyo xulufadeedu ay adeegsanayaan madaxda Somaalida, oo ay iyaga ku soo dirayaan, ee aanay ahayn ficiladanu kuwa ka imanaaya Madaxda Soomaalida, oo ay u yaqaanaan kuwa aan sharaf iyo damiir toona lahayn, bal ah Calooshooda u shaqaystayaal, hana la yaabin waayo waa Suurada ay inaga bixiyeen Madaxdeenii hore! Ama kuwa Qaran ha ahaadaan, ama kuwa Maamul Goboleed ee, taasu waa xaqiiqo!!

 

Marka waxan Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya u soo jeedinayaa, in ay Arintan ka hadlaan, oo ay Mowqifkooda aduunka u sharxaan, waxan dhegaystay daawadayna dhowr waraysi oo aad u qurux badnaa, isuguna miisaanaa si masuuliyadi ku jirto, oo uu bixiyay Wasiirka Arimaha Debeda Axmed Ciise Cawed, oo uu Warbaahinta gudaha siiyay, marka waxa haboon in waraysiyadaa oo kale la siiyo warbaahinta Caalamiga ah.

 

Waxan kale oo soo jeedin lahaa, in lagu qanciyo lana fahamsiiyo, oo intii karaan ah laysku dayo, dowlada Imaaratka Mowqifkeena iyo rabitaankeena qaranimo, maadaama ay tahay dowlad aan Cilaaqaad soo jireen ah leenahay, dano badanina iskaga keen xidhan yihiin, iyada oo aynaan marna ka aqbalayn wax lidi ku ah Gobanimadeena iyo Madax banaanideena, waxan kale oo aan iyana soo jeedin lahaa, in la mamnuuco, oo uu Go’aan baarlamaanku ka soo saaro, in la kireeyo Dhulka ama Dekedo ha ahaadeen ama Garoono iwm! Waayo kirayntu maaha maalgashi, bal waa Gumaysi qarsoon oo casri ah!!

 

Wabillaahi atowfiiq

 

Ciise Maxamuud Aadam

 

almutawaadic@yahoo.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso