Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle


Muqdisho, 29, Abriil 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayay dhibaatada ka dhalatay daadadka maansheeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa magacaabay guddi gurmad u fidiya shacabka dhibaataysan.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay iyadoo laga jawaabayo baaqa bulshada dhibaataysan ee Hiiraan ay ugu deeqeen lacag dhan 100,000 oo dollar (Boqol kun oo dollar), si wax loogu qabto dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadda.

Xubnaha Guddiga uu magacaabay Duqa Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee M/mulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, waxana xubno ka ah qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal heer gobol ah, waxayna ka shaqeyn doonaan in shacabka Caasimadda ay dhaqaale ka aruuriyaan.

“Xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa Beledweyne dadka qaarkood waxa ay ka carareen guryahooda iyagoon sidan wax alaab ah kadib markii ay biyuhu u saamixi waayeen. Ka maamul ahaanna waxaan qaadnay tallaabooyinkii nala gudboonaa si dadka loo badbaadiyo, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in gar gaar deg-deg ah lala gaaro dadka wabigu ku fatahay”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Roobab xiliyeedyo mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayuu Wabiga Shabelle daafaha la jabsaday, kana dhigay boqolaal qoys kuwo barakaco una baahan gargaar deg-deg ah, waxana uu maamulka gobolka Benaadir oo ka duulaya baaqa shacabka Hiiraan durba qaaday tallaabooyin lagu caawinayo shacabka ay dhibaatadu ka soo gaartay wabiga ku fatahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso