Askarigii Rajada Lahaa iyo Dhalintii Gumowday .

Dhacdadani waxa kale oo ay  qalbiyadda nadiifta ah isla markaana ka madaxbaan nin jacayl ,qabiil kalkaalka ay iska qoomomayn doonaan  marka ay dheehdaan  oo dhugtaan wax-yaaalaha ku jira.

13/11/2017 waa Maalintii  lagu dhawaaqay Natiijadii doorashadda Soomaliland  ee ay ku loolamayeen Xisbiyadda Kulmiye Ucid Wadani waxaana  galabtaa guusha doorashadii ka soo hoyaday loogu dhawaaqay Xisbiga kulmiye .

Intaa ka bacdi waxaa dalka ka bilaabmay mudo haraadyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo natiijadda doorashadda oo ay gadh wadeen ka ahayeen masuuliyiinta iyo taageerasha xisbiga Wadani ,sidaa darted Magaaladda Burco wax aka dhacay mudahaarad xoogan oo markii danbe isu rogay gacan ka hadal  ay samaynayaan qaar ka mida da’yarta burco.

Xukuumadanna Soomaliland waxa ay oo dhoobtay Jidka magaaladda Burco Ciidan Xoogan oo isugu jira Boolis,Milatari,iyo Ciidanka Jiidaha ee qaranku leeyahay .

Waxaana ciidankaa jiida ka yimid ka mid ahaa Maxamed oo ka mid ahaa ciidanka qaranka ee Dhaxantu ,Bacadku ,Gudcurka ugu dib jiray jiida laascaanood .

Askarigaas oo Dalka ka baxay mudooyinkii ugu horeeyaay ee lasameeyo ciidan qaran oo difaaca Xuduudaha Soomaliland ,Mantana waxaa dib loogu soo qaaday magaaladda burco si uu uga qayb qaato dejinta  xaaladda Magaaladda Burco  oo wakhtigan Jewigeedu yahay mid kacsan waxaanad jidadka burco ku arkaysaa oo kaliya  Daayiro gubanaaya oo Magaladda u aha Iftiin laydh Waxaana dad u aha Dhalinyaro ku hubaysan Tooriyo,Faashash ,iyo Budhadh .

Waxaana sanqadh u aha Duryanka rasaasda kala duwaan,waxaa kaloo gadiid u aha Baabuurta gaashaaman ee Ciidanku wataan ,waxaana seked walba taagan ciidan heegana iyo dhalinyaro is baacsanaya  iyadda oo ay sidaas tahay askarigii rajadaa lahaa ee  maxamed  waxa uu la yaabanyahay  sidda wax u socdaan iyo dhalanrogankan ku dhacay dhalintii uu dhaxanta ,Bacadka,Gudcurka iyo dabaysha ugu dib jiriyaay oo hankiisu ahaa inuu  usoo noqdo dhalin isu kaashatay Horumar Hiigsi iyo Hayaan nolaleed waa hadii uu soo nabad qab noqdee hadii kale wwaxaa u diyaarsan kafantii  uu ka sii xidhanlahaa dunidan   isaga oo difaacaya dalkiisa .

Maxamed waxa uu manta dareemaya Murugo ,Maskax xanuun  Miyir lahaan   tas oo uu ku sababeeyey inuu u baxay 20 Sanno  inuu malin uun arko dadkii dalka joogay oo isbedelay isla markaana aan ku dhaqmayn Qabyaalad ,Nin jeclaysi Daan –daan  iyo  duminta dhismayaasha  magaaladooda .

Maxamed waxaana ku kulnay Badhtamaha Magaaladda Burco isaga oo ay ka muuqato Daal Gaajo Haraad , iyo safar dheer oo uu soogalay Maxamed waxa uu ku Cataabayaa  Erayo ay ka muuqato  Niyad jab waxaana ka mida “ Waxaan Manta Burco la soo galay qorigaan kala Baxay 20Sano ka hor  si aan cadawgoodda uga difaaco lkn waxaan manta kula soo noqday Burco oo Dhalinyaradeedii sidaa u dhaqmayaan ,bal maan iska Nasto oo aan caruurtaydda u xamaasho  ….Alla … Waan khasaaray .”

Lasoco qaybta labaad oo aad u xiiso badan

W/Q:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao / -Somaliland

Mobil:0634888850

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso