Sucuudi Carabiya OO Burburisay Afar Gantaal oo ay ku Soo Ganeen Xuutugu Jazan


Ciidanka Difaaca Cirka Sacuudiga ayaa burburiyay Afar Saaruukhda ballistics oo ay ku soo ganeen malleeyshiyaadka Huthi goobaha dadku ku badan yihiin ee Jazan.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa soo wariyay in Ciidamadda Difaaca Cirka ay gabi ahaanba burburiyeen sawaariikhdan, iyada oo la adeegsanayo Gantaalada difaaca Patriot.

Afartan Gantaal ayaa la soo tuuray waqti isku mid ah 10:40 Subaxnimo wakhtiga maxaliga ah.

Ilaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in illaa iyo hadda wax warbixin ah oo ku saabsan khasaare aan la helin oo ay geysteen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso