Waxa Maanta ii daran Qaran aan dir sooc Jirin

Waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah, jecel cadaaladda, sinaanta, iyo horumarka, neceb dib udhaca, caddalad darada, eexda, qaraaba-kiilka, musuqmaasuqa.

Waxaa masuuliyadi iga sarantahay inaan si tolmoon ugu ifiyo wax kasta oon u arko inay dhaliil tahay dhibna ku keeni karto wada noolanshiyaha shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo runtii ah xudunta qalbigayga, tilmaan kasta oon sheegana waxay u noqon doontaa ubadka iga yar yar iyo ubadkaygaba mid u horseeda inay bulshada ay wada noolyihiin dhib iyo dheef ay la  qaybsadaan.

Waxaan arkayaa oon qalinka u qaatay Cadli baa wax doojee!!! In dawladii aynu dooranay cadaaladii ka fogaatay, kuna siqayso inay beerto cuqdad iyo isku fiirfiirsi bulshada aan ku dhex noolnahay ka dhex aloosanta, Rabi ha sakhiree, riyadayda se aan kusoo gudbiyo tix ku jirtay maansaddi AHUN Macalinkii waynaa Abwan Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gariye ee ahayd:-

Waxa maanta ii daran

Qaran haga dadweynaha;

Qaran damal sidiisii

Noo dallaalimeeyoo

Soo taabta darafyada;

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Aan iiga sii darin;

Qaran gudaha daafaca

Dibeddana aqoonsi leh.

Yaanan taraarixinee, Xukumadda Hada taladda haysaa may noqon xukumaddii aanu ku riyoon jirnay ee horseedi lahayd, abuuri lahayd weedhaha maansada aan kor ku xussay sifaynayasa, waayo xiligii dorashada lagu jiray xisbiga talada hayaa iyo madaxwaynaha la doortayba waxay inoo balan qaadeen oo ay soo bandhigeen 100 shay oo ay wax ka qabanayaan ooy ka kaw tahay in madax waynuhu noqonayo madaxwayne hal adayg leh, madax wayne, caadil ah, madaxwayne aan oday u talin, madaxwayne ku adag inuu sharcigu sareeyo, madaxwayne ka shaqaynayaa shaqo abuur iyo horumar.

Waan ogsoonahay in aanay gaadhin xiligii lagu qiimayn lahaa madaxwaynuhu inuu dalka iyo dadkaba horu mariyay balse hore ayay soomalidu utidhi niman garan waxa manta joogaa ma garto waxa bari soo socda, haba danbayso waxa la qabtay iyo dhanka loo socdaaye balse waxaynu ogsoonahay in cadaladii saami qaybsi ee umadani u bahanayd aan la helin, waxaynu madaxwaynaha ku dooranay inuu ka baxayo soona afjarayo oday CV wadda inuu ugalo oo uu yidhaa hebel xil u magacaw. waxaynu ku fikiraynay in madax waynuhu qorshe uu arimahaas kusoo afjarayo uu soo bandhigo cid wal oo ku munaasib ah inay shaqo qaran qabataana ay noqon doonaan dadka uu xilka u igmado madax waynuhu ciday doonto ha noqotee, allah ha ka yeelo xitaa qoys kaliye balse madaxwaynaha iyo xukumadiisu toona lamay iman qorshe ay ku badalayso nidaam yadii hore ee foosha xumaa, waxay martay wadooyinkii hore ee xukumadihii ka horeeyay mareen ee ahayd xilkasta oo lamagacabayaa inuu ku yimaad sami reerreed oo ku salaysan yaa laandheere’ah iyo CV oday wado. Kama xumin saami in lagu qaybsado balse waxa ceeb ah in xukumada iyo madaxwaynuhuba ay garan wayaan sugnaanshaha cadaalada, xukumaduna ay ka raranto dhan kaliya, oo 100/75 ay meel qudha ka soo jeestaan halka 75 ka laftiisa aanay u dhamayn intii golaha beesha ku wada jirtay.

Allah SWT waxaa uu inoo soo dajiyay quraan, quraankaasi oo suurad kastaa ay ka duwantahay suurada kale aayadah ay ka kooban yihiina ay kala duwantahay, kana fara badantahay oo midba mid ka dheer tahay, hadana allah subxanahu watacaala waxa uu fure uga dhigay dhaman cibaadada salaada suuratul fatixa oo ah suuradaha ugu gaaban, ma uu odhan laandheerenimo ayaan eegayaa oo hadii taasi shaqayanyso Suratiul Baqra ayaa noqon lahayd fure, waxa uu allah subxanahu watacala inoo sheegay in qofka akhrista suuratul Axad (qulhuwalahu axad) saddex jeer in ay u dhiganto qof akhriyay Sodonkii jis ee quraanka ahaa. Taas oo macnaheedu yahay in aan allah ku cadaladiisa ka dhigin mid ku salaysan dherer iyo badni.

Guntii iyo gabagabadii, Waxaan leeyahay mudane madaxwayne aduunku waa maalmo mudada aad xilka hayn doontana waa ay koobantahay haduu rabi cimriga iyo caafimaadka kuu daayo, bulshadaada uga tag nidaam abuuri karaa sinaan iyo cadaalad. Dhaxal kaaga ha-gasho Horaa loo soconayaadii aad halku dhiga ka dhigatay, dib na u milicso wixii kugu kalifay inaad halgan dheer gasho, oo cadaladi daradii aad adigu hore tirsatay yanay manta ku hoos marin walaw ay ku hoos martayba oo sifaha manta muuqdaa uu yahay mid aan ahayn kii aanu ku riyoon jirnay ololaha doorashadana aad ku gashay.

Madaxwayne ha noqon qofkii uu ka hadlayay AHUN abwan Gaariye ee uu lahaa!-

Nin dawee la leeyahay

Denbi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay

Isaguu u daran yoo,

Inuu daaro ma oggola

Daarraanta mililka leh,

Anna dayso ma oggoli

Deebaaqda igu mudan.

Allow guusha na waafaji oo cadaalada noo hagaaji.

Waxa Qoray: Liban Abdi Hassan (Shaadiro).

Barre sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka

Email: liibaan_genius@hotmail.com

Hargeysa/ Somaliland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso