Soomaliiland  waxa ay maraysaa Xadhig Xabad iyo Xulafaysi Waxaana  Daaqadda ka baxay  Daacadnimo , Dawladnimo  Dan guud iyo Dastuur

 

Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeyeee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti Wakhti u helno Qoraalkan  oo hadaan alle saamixin,Inana siin Caqli garsheed aynaan waxba Qori karneen waxa Akhriyikarneen Marlabaadkana waxaa Aaman Mudan Akhristayaasha Gaar ahaan Kuwa QaderiyaMaamusa Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.

Intaa ka dib waxaan Doonayaa inaan Manta Qalinka u yar Husho qoraal kooban oo ku saabsan xaaladda aan aragti ahaan qabo in manta dalku  hee haabayo oo aan u arko   in ay manta tahay in lagga hadlo.

Dalku waxa uu marayaa xaalad  adag oo u baahan in wax lagga qabto oo lagga yeesho Talo-qaran Tayo –qaran  Tusaale qaran  iyo Tiigsi qaran oo wadda jira.

Waxaa batay xadhigii ,Hanjabaadii  iyo  baqdintii muwaadiniinta oo maraysa meel sarre  waxaana tusaale  idiinku filan  Xadhiga  inanta yare e Naciima la dhaho ,Xadhiga Boqor Buur madow iyo qaar kale oo muwaadidiinta ka midda oo batay.

Intaas waxa dheer hadaad hadasho ,hadaad habaartanto iyo hadaad ducaysaba waa lagu taxaabayaa bilaa  Waran  sax iyo khaladba taasi waa tii keentay soo deg degii bur burkii xukuumadii xooga weyneed ee Siyaad Barre ,maantana waxaad moodaa in uu sare u kacay           Xadhigii ,Cabudhintii taasina waxa ay dhasha  kala fogaansho u dhaxeeya shacabka  iyo Dawladda .

Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi waxa aad moodaa inay la kowsatay  Askarinimadii in kasta oo aanay askarinimadu ceeb ahayn.

 Gunaanad: Hadaan la joojin Xadhiga ,Xasadka ,Xigtaysiga  waxaa meesha ka baxaya wadda lahaantii qaranka Guud .

W/Q:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao / -Somaliland

Mobil:0634888850

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso