Senator Ruush ah : Moscow way ka soo horjeeda baaqa ah in ciidamo carbeed loo diro Suuriya

Xildhibaanka Ruushka ah ee Igor Morozov ayaa sheegay in Moscow ay gabi ahaanba ka soo horjeedo in ciidamo Carbeed loo diro Suuriya, isaga oo sheegay in tani ay noqonayso jabin Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

“Waxaan u maleynayaa in Ruushku uu si cad uga soo horjeedo arrintaas iyo waxa saldhig u noqon doono xad gudubka Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobada sharciga caalamiga ah,” ayuu u sheegay wariyeyaasha maanta oo Arbaca ah.

Ciidamo laga soo diro Qadar, wadamada Khaliijka iyo Masar oo taga Suuriya waa qorshaha Maraykanka, ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Adel al-Jubair ayaa Salaasadii sheegay in Qatar ay ciidamo u diri doonto Suuriya haddii aysan rabin in ay lumiso taageerada millatariga Mareykanka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Donald Trump ayaa doonaya in la abaabulo ciidamo militari oo wadamada Carabta ka socda si uu u badalo askarta Maraykanka ee Suuriya ayna u xasiliyaan waqooyiga bari ee dalkaasi. Sida ay Qortay Wargeyska “Wall Street Journal”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso