Tehran : Israa’iil waxay heli doontaa jawaabta ku habboon Duqayntii Saldhiga Tifour


Tehran ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto weerarka ay ku qaaday Tel Aviv Saldhiga Milatari ee ” Tifour “ee ku yaala Homs Suuriya, kaas oo lagu dilay toddoba askari oo Iran ah, waxaanay carabka ku adkeeyeen in Israel ay heli doonto jawaab haboon.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Iran Bahram Qasimi ayaa sheegay in dowlada Israel ay u diri doonto jawaabta loo baahan yahay si dhakhso ah Ayna Qoomamayn Doonto Falka ay ku kacday.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in wakhtigii garaacista iyo baxsiga Israa’iil ay soo afjarantay, iska caabinta gobolkuna ay awood u leedahay in ay ka jawaabaan dembiyadan wakhtiga iyo goorta munaasabka ah, hadii aan laga qaadin tallaabo sharci ah arrinkan.

Waxaanu afhayeenku intaa raaciyey in joogitaanka Iran ee Suuriya, ku yimi codsiga xukuumadda rasmiga ah ee Suuriya, taas oo sharci ah xad-gudbina aan ahayn.

Labo diyaaradood oo noocoodu yahay F-15 ah ayaa duqeeyey saldhiga Milatari oo ku yaala Tifur Isniintii (Abriil 14-keedii).

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso