Japan ayaa $3 milyan oo doolarka Mareykan ah bixisey si carruurta Soomaaliya ee ay abaartey saameysey u ahaadaan kuwo caafimaad qaba, iskuullo dhigta oo lana ilaaliyo

MUQDISHO, 17 Abriil 2018 – Dowladda Japan ayaa maaliyad deeqsinimo ay ka muuqato siineysa UNICEF si ay carruurta ugu taageerto tas-hiilaad fayadhowr oo ku habboon oo ay ku helaan iskuullada, in lagu hayo goobaha waxbarashada iyo in haweenka iyo carruurta xadgudubka loo geysto la siiyo adeegyo taageero ah, UNICEF ayaa sidaa sheegtey maanta. Lacagta $3 milyan oo doolarka Mareykanka ah waxaa ay, muddada sanadka ah ee soo socota, ay taageeri doontaa qaar ka mid ah bulshooyinka ay sida ugu weyn u saameysey abaarta dabadheer ee ku nool gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa weli ay ka dhacayaan dhibaatooyin la xiriira nafaqo-xumo iyo barokac ay sababeen roobabkii baaqdey xilliyo isxigxiga, iyada oo 2.8 milyan oo carruur ah ay degdeg ugu baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo. Hababka la qabsashada dhibaatooyinka ee dadku ay lahaayeen ayaa jilcay waxaana degdeg u soo noqon karta halis loo galo macaluul haddii aan taageero joogto ah laga helin deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah sida dalka Japan oo kale.

Abaarta ayaa sababtey in si baahsan loo isticmaalo biyo wasakhoobey, taas oo iyana sababtey in ay dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Shuban-biyood Ba’an/daacuun raad ku yeeshey tobannaan kun oo qof sanadkii 2017dii kaas oo haddana mar kale soo laba-kacleeyey.

Qayb ka mid ah maaliyadda laga heley dalka Japan waxaa ay 10,000 carruur ah oo dhigta 50 iskuul siin doontaa xirmo adeegyo ah. Musqulaha iskuullada ayaa lagu dayactiri doonaa ama lagu dhisi doonaa, biyo nadiif ah oo la cabbo ayaa lagu bixin doonaa waxaana lagu bixin doonaa waxbarashada nadaafadda. Maaliyadda Japan waxaa sidoo kale loo adeegsan doonaa in lagu abuuro goobo waxbarasho oo ku-meelgaar ah ama waxaa lagu dayactiri doonaa fasallo ku yaalla 50ka iskuul, iyada oo la beegsanayo degaannada ay ku soo qulquleen barokacayaasha. Deeqo lacageed oo degdeg ah ayaa lagu maalgeiln doonaa qado iyo cuntooyin fudud oo lagu bixiyo iskuullada, si qoysaska loogu dhiirrigeliyo in ay carruurtooda ku hayaan iskuullada, iyada oo islamarkaana carruurta aan iskuullada dhigan lagu dhiirrigelinayo in ay ku soo biiraan iskuullada.

Japan ayaa sidoo kale ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee UNICEF ka taageera barnamaijka tacaddiga jinsiga ku saleysan ee laga fulinayo Soomaaliya. Maaliyaddan cusub waxaa loo adeegsan doonaa in lagu korjoogteeyo oo lagula socdo xadgudubyada ba’an ee loo geysto xuquuqaha carruurta, iyo sidoo kale in lagu taageero 1,250 oo ah kuwo loo geystey xadgudub, iyo carruur horey ugu lug lahaa kooxaha hubeysan.

“Xirmada waxbarashada degdegga ah, oo sida deeqsinimada leh ay maaliyaddeeda u bixisey Japan, waxaa ay kor u qaadeysaa maqaamka iskuuullada waxaana ay ka dhigeysaa goobo ay carruurta ugu nugul ku helaan adeegyo naf-badbaadin iyo kuwo naf-joogteyn,” ayaa uu yiri Wakiilka UNICEF Somalia mudane Steven Lauwerier. “Waxaa sidoo kale nalooga baahan yahay in aan si joogta ah carruurta ugu nugul u siinno adeegyada ilaalinta carruurta. UNICEF ayaa ah hay’adda ugu weyn ee Soomaaliya ku bixisa adeegyada degdegga ah ee ilaalinta carruurta iyo adeegyada Tacadiga ku Saleysan Jinsiga. Waxaana iyada oo ay mahaddeeda leeyihiin deeq-bixiyeyaasha sida dalka Japan oo kale ah aan sii wadi karnaa oo aan kor u qaadi karnaa hawshan muhiim ah.”

Ku saabsan UNICEF
UNICEF waxaa ay dhiirrigelisaa xuquuqaha iyo wanaagga ilmo kasta, wax kasta oo aan sameyneyno. Annaga oo kaashaneyna la-hawlgalayaasheenna, ayaan waxaa ka shaqeynaa 190 dal iyo dhul si aan ballanqaadkeenna uga rogno tallaabo-qaad dhab ah, annaga oo diiradda saareyna dadaal gaar ah oo lagu gaarayo carruurta ugu nugul ee aan helin adeegga ay u baahan yihiin, si ay arrintaasi faa’iido ugu yeelato dhammaan carruurta, meel kasta oo ay joogaanba.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan UNICEF Somalia ka eeg www.unicef.org/somalia
UNICEF Somalia kala soco Facebook iyo Twitter

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:

Susannah Price, UNICEF Somalia, +254 722 719867, sprice@unicef.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso