Bashar al-Assad : Waxaan u baahanahay 400 bilyan oo doolar si dib loogu dhiso Suuriya

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay 10 ilaa 15 sano si uu u soo nooleeyo dhaqaalihiisa.

“Dib u Dhiska Dalku wuxuu ku kici doonaa ugu yaraan $ 400 bilyan, waxaana loo baahan yahay 10 illaa 15 sano,” ayuu yidhi xildhibaan Dmitry Sablin oo la hadlay madaxweyne Asad isagoo hadalkaa ka sheegay mar uu la kulmay Wafti ka socday baarlamaanka Ruushka.

Madaxweynaha Suuriya ayaa la kulmay koox ka kooban xildhibaanno Ruush ah, oo uu ku jiro xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Duma, Sergei Glezniak.

“Kulanka xildhibaannada Ruushka la yeeshay Madaxweyne Assad wuxuu ahaa mid muhiim ah oo muhiim u ah labada dhinac,” ayuu yidhi Glezynyak.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso