Assad oo u Hadiyeey Ubax Waqooyiga Kuuriya inkastoo ay ka aamustay Weerarkii saddex-geesoodka ahaa ee lagu Qaaday!!!


Waqooyiga Kuuriya ayaa u dabaal degaysa dhalashada Kim Il-sung oo ah hoggaamiyaha haatan ee dalka, Kim Jong-un.
Maalintan ayaa ah xusuusta “Maalinta Cadceeda” waa maalmaha ugu muhiimsan ee Ciidaha dalkaasi.

Kamaradaha sawir qaadayaasha ayaa Qabtay xabaashii Kim Il Sung oo la Dhigay Caleemo Ubax ah si ay u xusaan isaga, Ubaxan ayaa waxa ku qornaa magaca Madaxweyne Bashar al-Assad munaasabada Ciidan.

Waxa cajiib ah in madaxweynaha Suuriya uu u Diray Ubaxan Pyongyang, Waxaana yimid weerarkii galbeedka ee ka dhanka ahaa Suuriya, kaas oo Pyongyang aan wax cambaarayn ah jeedin xitaa kamay hadlin kelmado ka mid ah taageerada Suuriya, sida caadada u ahayd ee xidhiidhka labada dal.

Si kastaba ha ahaatee Dadka Isha ku haya aamusnaanta waqooyiga Waxay Aaminsan yihiin Inay tahay Xaalada Degan ee hadda u dhaxeysa Pyongyang iyo Washington.

Waxyaabaha cusub ee sanadkan “Maalinta Cadceeda” ayaa ah in aysan jirin calaamado ama Boodhadh Lagu Dhejiyey Wadooyinka Waqooyiga Kuuriya, Boodhadhkaas oo lagu Muujin jiray awal Hore diidmada Galbeedka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso