Xukuumada Uganda oo canshuur ku Soo Rogaysa isticmaalka baraha bulshada


    

Uganda ayaa qorsheyneysa inay cashuur maalinle ah ku soo rogto dadka isticmaala baraha bulshada Marks la gaadho bisha July ee soo socota iyaga oo taasna ku sababaynaaya in kor loo qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija.

Talaabadan ayaa waxaa cambaareeyay qolooyinka u dhaqdhaqaaqqa xuquuqda aadamaha Rosebell Kagumire oo ah dhaqdhaqaaqe xuquuqul insaanka ah ayaa sheegay in talaabadani ay qayb ka tahay iskudayada ballaadhan ee lagu wiiqayo xorriyatul-qowlka.

Horraantii bishan, madaxweyne Yoweri Museveni oo xukunka hayay in ka badan 30 sano ayaa warqad uu u diray wasiirka dhaqaalaha Kasaija iyo saraakiil kale una sheegay in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay tahay in canshuur lagu soo rogo.

“Kuma soo rogayno canshuur dadka u isticmaala baraha bulshada sababo waxbarasho, baadhitaan ama tixraac … kuwaasi bilaash bey sii ahaanayaan,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Dadka isticmaala WhatsApp, Facebook iyo Twitter ayay canshuurtani saameyn doontaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso