Waa Muhiim In La-fahmo Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Q1AAD Qalinkii Cabdirashid M. Jaamac Belel

Dhibaatooyinka lama-dhaafaanka ah ee ku soo fool leh dunida qarnigan aynu ku jirno ee 21naad waxaa ka mid ah biyaha macaan, sababo badan awgood. Dagaalada qarnigan dhexmari doona waddamada qaarkood ayaa la saadaaliyey in ay ka dhalan doonaan khilaafyada ka dhex dhasha biyaha-la-wadaago, ayada oo guud ahaanba biyaha macaani yihiin kuwa ay maalin walba sii kordheyso baahidooda, ayaa haddana gaar ahaan isticmaalka iyo maamulka biyaha webiyada caalamiga ah ee ay dalal badan wadaagaan noqdeen kuwa ay muhiimaddoodu sii korodhay.

Hannaankii, haddaba, lagu maamuli lahaa tirada yar ee kheyraadka biyahaasi waa in ay ahaataa mid ku dhisan wada-tashi iyo wada-shaqeyn hufan, si loo daboolo baahida dadka bani’aadanka ah ee maalin walba tiradoodu sii kordheyso. Waana muhiim in la fahmo xiriirka ka dhexeeya kororka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Haddii aan kheyraadkaasi biyaha loo helin hab-siyaasadeed oo mideysan oo lagu maamulo, waxay taasi dhalin kartaa in khilaaf iyo is-maandhaaf yimaado, taas oo iyaduna kalifi karto in dagaal hubeysan yimaado halkaasna ay ka dhacaan qasaarooyin ka waaweyn kuwii hore. Dagaalka biyaha waa mid aanan marka hore ka dhici doonin waddamaha horay-umaray ee warshadleyda ah waayo webiyada ku yaala waddamadaasi wax buuq ah kama taaagna. Dagaalkaasi buluuga ah wuxuu ka bilaaban doono waddamada danyarta ah ee uu dhaqaalahoodu hooseeyo amaba soo koraya, sidaas daraadeed waxaa lama huraan in waddamadaasi ay yeeshaan wada shaqeyn ku saleysan habka kala faa’ideysiga ah (mutual interest), yeeshaana guddiyo ka dhexeeya (Joint commission) oo maamula isla markaana kontorool (hubin) horumarinta kheyraadka
biyaha ay wadaagaan.
Meelaha xalka degdegga ah u baahan, si loo helo nabad waarta oo lagu kalsoonaan
karo, waxaa ka mid ah waddamada Israa’iil-Jordan-Lubnaan-Siiriya, Turki-Ciraaq- Siiriya, dhanka kale Itoobiya-Masar-Suudaan, dhinaca kalena Bakistaan-Hindiya- Bangaladeesh, Baraasiil-Arjentiin, iyo waddamada ku yaaala dhinaca koonfureed ee Afrika sida Namiibiya-Botuswana-Zimbabwe-KoonfurAfrika-Musambiig. Heshiisyo caalami ah in laga gaaro biyaha ay waddamadani wadaagaan waa mid ka mid ah qodobada ugu mudnaanta sarreeya Agendaha caalamka maanta, muhiimna u ah xasiloonida gobolahaas oo ay tirada dadkoodu sii kordheyso.

Waxaa la aqoonsan yahay in arrimaha la xiriira biyaha Webiga Jordan ay sabab u yihiin ka kacid la’aanta dhulka ay israa’iiliyiintu qabsadeen sanadkii 1967 dii ayadoo ay ugu wacan tahay in Israa’iil ay aad ugu xiran tahay biyaha ay dhulkaasi ka hesho. Xal-u-helid la’aanta arrintani waxay kalifeysaa in aanan nabad waarta loo helin mashaakilka gobolka Bariga Dhexe. Sidaasi darteed, biyuhu waa qeyb ka mid mashaakilaadka hortaagan gobolkan.
Dalalka ku muransan Webiga Niil sida Masar iyo Itoobiya ma aha waddamo leh xuduud xagga dhulka ah, oo waxaa labadooda u dhexeeya dalka Suudaan, balse waxa ay leeyihiin xuduud biyo oo ah Webiga Dheer ee Niil oo ah dhuun/tubo biyo oo labadaas waddan isku xirta. Gobolkaasi Webiga Niil waxaa isugu darsoontay saddex qodob oo aad u daran sida: (1) tirada dadka oo sii kordheysa, (2) biyaha oo sii yaraanaya iyo (3) is-afgarawaa siyaasadeed oo dhexyaala waddamada gobolkaas. Walaaca iyo welwelka laga qabo dagaalka qabow ee biyaha webiga Niil ayaa waxaa muuqata in uu isku bedeli doono mid kulul oo hubeysan, ayada oo ay Itoobiyaanku ka soo kaceen hurdadii dheereyd oo ay ku jireen, ayna hadda dalbadeen in ay helaan qeybta kaga aaddan biyaha webigaas. Khilaafyada dhexyaala dalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya waa kuwo u muuqda in uu xalkoodu adag yahay. Biyo-yarida dalka Masar iyo damacooda weyn ee dhinaca horumarinta beeraha waa laba arrimood oo lid isku ah oo hor yaala siyaasiyiinta dalkaas.

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka John F. Kennedy, oo kol hore gartay qiimaha ay biyaha ku leeyihiinna xasiloonida nabadda adduunka, ayaa sheegay in qofkii xal u hela dhibaatada biyaha uusan laheyn hal Nobel Prize (Hadiyadda Nobel) oo kaliya, balse uu leeyahay laba, mid cilmiga ah iyo mid nabadda ah. Muddo dhowr iyo soddon sano ah ayaa laga joogaa markii uu madaxweynahaasi sidaasi yiri, basle maanta ayaa si fiican loo xaqiiqsaday arrintaas. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon ee dalka Jabuuti oo ah dalka ugu biyaha yar dunida, ayaa wareysi lala yeeshay lagu weydiiyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu ku dadaalay in uu wax ka qabto intii uu madaxweynaha ahaa, ku muujiyey in helitaan iyo horumarinta biyuhu ay yihiin arrinta kaliya ee uu weligii ku fikiri jiray, waayo noloshu waa biyo, ayuu yidhi

Maaddaama ay sii badaneyso baahida biyaha macaan loo qabo, waxaa markaas habboon lagama maarmaana ah in dib-loo-qaabeeyo siyaasadda biyaha oo idil (comprehensive water policy reform) iyo qaannuuno qeexaya sidii loo qeybsan lahaa biyahaas qaliilka ah. Afrika waa qaaradda kaliya ee baahi weyn u qabta arrintan

La Soco Qaybta 2aad
Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com Mobile: 0659121414

Advertisement

Ku Xayeysiiso