madaxwayne mas’uuliyintii aad magacawday miyadan u sheegin in musuq maasuqu xaraan yahay

 

waxaa soo baxaya warar sheegaya inay is hayaan mas’uuliyintii uu magacaabay madaxwayne muuse qaar kamid ah, sababaha is haynta ahna uu ka dhashay qaabkii wax loo wada cuni lahaa oo jahwareer galay.

Inta bulshadii dooratay madaxwayne muuse waxyaabihii ay ku dorteen wuxuu ahaa inuu la dagaalamayo musuq maasuqa dalka markaa haystay, hase ahatee doorashii kadib bulshada waxay isla dhex marayeen madaxwaynihii aynu dooranay waxuu magacaabay gudoomiyihii audit ka qaranka, mas’uulkasoo kamid ahaa ragii lagu edeeyn jiray inay sameyeen musuq maasuq.

Dulucda hadalkaygu waxuu yahay waxaa is haya wasiirka wadooyinka iyo gadiidka  & mareeyaha wadooyinka, waxaana la shegayaa inuu ka dhashay is qabsigooda arimo la xidhiidha dhaqaalaha wadooyinka qabkii loo maamuli lahaa.

Inkastoo wararka qaar ay shegayaan in mid ka mid ah mas’uuliyinta uu sheegay inuu jiro musuq maasuq la doonayo inuu halkisii kasii socdo hase ahatee markii uu damcay inuu is hortaago wuxuu la kulmay awoodo hore usii haystay wakaalada wadooyinka kuwasoo ay hore isugu bahaysteen mareyihii wakaalada wadooyinka ee waxqabadka badnaa.

Guntii iyo gunaanaka ka madaxwayne mustaqbal ahaan madaxwayne waxaan kusoo jeedinayaa inaad si dhow ula socoto dhaqaalaha dalka sida loo maamulayo iyo inaad xooga saarto mas’uuliyinta aad xilka u dhiibtay inaysan ku dhiiran musuq maasuq.

Madaxwayne waxaan kaloo kusoo jeedinayaa inaad xilka ka qaado labada mas’uul kan lagusoo edeeyo inuu leeyahay khaladka khilaafka ka dhashay

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso