Suuriya: Dadka Dhaawacyada Culus Qaba Oo Laga Daadgureynayo Douma

(Toggaherer)-Suuriya: Dadka Dhaawacyada Culus Qaba Oo Laga Daadgureynayo Douma.

Syria

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in la gaaray heshiis deegaanka Douma looga daadgureynayo dadka dhaawaca ah ee ku sugan magaalada keliya ee ay gacanta ku hayaan fallaagada Suuriya.

Heshiiskan ayaa daba jooga wadaxaajood dhexmarayay kooxda Jaish al-Islam, hogaamiyeyaash ururrada rayidka iyo dowladda Ruushka.

Mucaaradka ku sugan Douma ayaa sheegay in dadka halkaasi laga soo daadgureynayo ay yihiin oo keliya dadka dhaawaca ah, oo aysan ahayn kumannaanka qof ee ku nool halkaasi.

Dadka dhaawaca qaba ayaa la sheegay in la geyn doono gobolka Idlib oo ah goob ay imika maamulaan kooxaha mucaaradka.

War qoraal ah oo uu soo saaray taliyaha ciidamada milateriga Suuriya ayaa lagu sheegay in Bariga Ghouta ay ku jirto gacanta dowladda, Douma-na ay rajeynayaan inay soo gasho gacanta dowladda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa xaaladda halkaasi ka taagan ku tilmaamay inay tahay mid aad u xun.

Syria

Kumanaan qof oo ku noolaa magaalada Ghouta ayaa isaga qaxay halkaasi, waxaana markii hore halkaais la sheegay inay ku noolaayeen dad gaaraya labo milyan oo qof, balse ay ka carareen duqeymaha ba’an ee halkaasi ka socday muddooyinkii dambe.

Bariga Ghouta ayaa waxaa dhowaan laga soo samatabixiyay kumannaan rayid ah iyo kooxaha mucaaradka oo ku sugnaa halkaasi, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis uu garwadeen ka yahay Ruushka.

Dowladda waxaa kale oo ay u digtay kooxaha imika heysta Douma oo ay sheegtay in haddii ay ka bixi wayaan halkaasi cagta la marin doono.

Mucaaradka ayaa rajeynaya in wadahadallada ay u suurtogelin doonaan inay sii joogaan Douma iyagoo gabbaad ka helaya Moscow.

Bariga Ghouta ayaa tan iyo 2013-kii waxaa go’doomin ku hayay ciidammada dowladda Suuriya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso