Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “sidee buug loo akhriyaa?”

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “sidee buug loo akhriyaa?”
Aqoontu waa furaha badhaadhaha adduun iyo aakhiro. Sidaas awgeed aynu bal eegno laba tusaale oo quraanka kariimka ah ku jira oo aynu ka dheehan karno qiimaha aqoonta.
Culimada ISLAAMKU waxay yidhaahdeen nabi MUXAMMED ﷺ ALLE waxa keliya ee uu ku yidhi iga dalbo inaan kuu kordhiyo waa aqoonta. Sidoo kale ALLE waxa uu Nabi NUUX ﷺ uga digay inuu ka mid noqdo kuwa jaahi-liinta ah!

Akhrintu waa hab ka mid ah hababka aqoonta lagu korodhsado. Waxaana aynu odhan karnaa akhrisku waa sababta ay horumar ku gaadheen inta badan bulshooyinka caalamku. Sidoo kale akhrisku waa xuriyad iyo hoy uu qofku ku akhrisan karo mawduucyo badan , ku baran karo dhaqammada iyo fikradaha bulshooyin kala duwan. Walibana u noqon karta meel uu kaga dhuunto ama ka helo xalalka dhibaatooyinka adduunyo ee tirada badan!

Ugu horeyn , siyaabaha ugu wanaagsan ee buug loo akhriyo waa tiro badan yihiin . Waxaynu ka soo qaadan doonaa hal nooc oo ka mid ah. Laakinse isticmaalka noocani waxa uu ku xidhnaan doonaa baahida , xiisaha ama adayga aad buuggasi kala kulanto. Sidaas darteed buug kastaa uma baahna in saddex jeer la akhriyo!

Marka aad buug akhriyayso waa inaad akhridaa buuggaas 3 jeer.

Akhrinta buug keliya saddex jeer waa arrin culus oo u baahan sabir iyo wakhti. Balse waa habka ugu wanaagsan ee buug loo akhriyo. Habka noocan oo kale marka buug loo akhrinayo waxa uu kaa caawinayaa inaad buggaasi sida ugu wanaagsan ugala bixi doontid xogta ku jirta.
Waxa dhici karta marka ugu horeysa ee aad akhrido buuggaas inaad meelaha qaar aad si fudud u fahmi kartid . Waayo tusaale ahaan hore ayaad u maqashay xogtan uu ka hadlayo. Sidoo kale waxa dhici karta in aanad hore u fahmin qaybo ka mid ah. Balse muddo ka dib markaad dib u akhrido aad fahmi doonto. Sababtuna waxay noqon kartaa maskaxdaada oo kortay ama fikirkaaga iyo aragtidaada oo kobcay awgeed .
Waxa sidoo kale dhiirigalinaya in habkan wax loo akhriyo Quraanka kariimka ah.

Suuratul IQRA laba jeer ayay kelmada AKHRI ku soo aroortay.
Faa’idooyinka ay culimadu ku sheegeen sababta ay kelmadani dhawr jeer u soo noqotay waxa ka mid ah:
1. Si aanay dadku u moodin in akhrisku yahay marxalad dhammaanaysa. Waxa dhacda in dad badan ay wax akhris ugu dambayso maalinta ay jaamacad ka baxaan! Arrintaas oo ah mid aan fiicnayn, waayo maalinkasta aqoonta ay dadku gaadhaan waa ay korodhaa. Sidaa darteed qofkasta waa inuu la socdo waxkasta oo ku soo kordha shaqadiisa. Tusaale ahaan haddii buugaag cusub laga qoray ama xirfado cusub oo shaqadiisa la xidhiidhaa soo baxeen. Taas oo ka caawinaysa inuu xejisto booskiisa shaqeed. Waxaana la mid ah barashada diinta islaamka oo iyaduna u baahan in lagu jiro barashadeeda ilaa geeridu ka imanayso.

2. Akhrinta koowaad naftaada ayaad u akhrisanaya. Waxa laga yaabaa inaad jeceshahay akhriska , xiiso aad u haysay mawduuca buugaasi ka hadlayay . Kuwaas oo sabab u ahaa inaad buuggaas akhrido.
Akhrinta labaad waxay kuu noqonaysaa ku-celin si aanad u ilaabin meelihii muhiimka ahaa iyo isku dayida inaad fahamto meelihii kugu adkaaday.
Akhrinta saddexaad bulshada darteed ayaad u akhriyaysaa si aad ugu soo gudbiso! Qofka muslimka ahi maaha xaasid iyo danayste midna . Balse waa qof jecel inuu gaadhsiiyo walaalihiisa waxkasta oo anfacaya adduun iyo aakhiroba.

Ugu dambeyntii akhrisku waxaynu ku gaadhi doonaa bulshooyinka caalamka. Laaakinse xaqiiqda jirta ayaa ah in bulshada Soomaalidu ay ka jecel yihiin dhegeysiga. Taas oo keentay in dhegeysiga uu noqdo habka koowaad ee aynu aqoonta ku korodhsano. Dhinac kale haddaynu ka eegno in akhrisku yaraado waxa keenaya yaraanta buugaagta Af-Soomaaliga ku qoran ee qofku akhrisan karo . Waxaanay natiijadu noqotay in qofka isku daya inuu wax akhriyo, uu inta badan fursad u helo akhrinta sheeko faneedka. Sheekoyinkaas oo aanay faa’ido ka maqnayn. Waxaanay ka caawin doontaa kobcinta awooda hindiseed ee qofka iyo inuu la qabsan doono barashada caadadadan adag balse haddana qiimaha badan ee akhriska.

Qaybta koowaad ee maqaalkan waxaan ka soo qaatay:
WITH THE PROPHET (SALMAN AL AWDAH)
Af-Carabi)
TAFSIR AL WASEET
TAFSIR AL SHAW-KANI
F.G
1. La socda qeybta labaad ee maqaalkan oo aynu kaga hadli doono hababka loo-gala soo baxo buug aqoonta iyo waayo-aragnimada ku jirta inaga oo isticmaalaynaa hab su’aalo ah.
2. Waxaad ka dejisan kartaan linki-ga hoosta ku yaal HAYAAN MAGAZINE. Oo aad ka akhrisan kartaan ilaa saddex maqaal oo ku saabsan horumarinta nafta. Maqaaladaas oo mid ka mid ahi si guud uga hadlayo horumarinta nafta iyo waxay tahay. Waxa sidoo kale ku jirta sheeko ka mid ah sheekooyinka KUN HABEEN IYO HABEEN!
.
Link 1
https://document.li/a13CLink 2
Link 2

LINK-ga hoosta ku yaal waxaad ku soo gudbin kartaan aragtidiina ku saabsan maqaalada . Sidoo kale waxaynu ku wadaagi doonaa qoraalo kooban. (Posts)
https://twitter.com/KadimMALI1?s=09

Mahadsanidin .

Advertisement

Ku Xayeysiiso