Ruushka Oo Eryaya  Diblomaasiyiin Dheeraad Ah Oo UK U Dhashay.

(Toggaherer)-Ruushka Oo Eryaya  Diblomaasiyiin Dheeraad ah Oo UK U Dhashay.

Sergei Skripal

Ruushka ayaa ku wargeliyay Britain in wadar ahaan in ka badan 50 ka mid ah diblomaasiyiinteeda ay tahay inay ka tagaan dalkaasi, iyadoo uu sii xoogeysanayo muranka ku saleysan sumeyntii UK loogu geystay jaajuus hore oo Ruushka u dhashay iyo gabadhiisa.

Moscow ayaa hore u ceyrisay 23 diblomaasiyiin Britain u dhashay kaddib markii London ay ku amartay 23 diblomaasiyiin Ruushka u dhashay inay dalkeeda ka baxaan.

Balse hadda Ruushka ayaa ku adkeysanaya in diblomaasiyiin dheeraad ah oo Britain u dhashay ay tahay inay baxaan.

Sergei Skripal

Wuxuu Ruushku qabaa in tirade diblomaasiyiinta labada dal midba kan kale ka jooga inay isku mid noqdaan.

Tan ayaa la micno ah in ugu yaraan 27 saraakiil kale oo UK u dhashay gurigooda loo dirayo.

Dowladda Britain ayaa ku eedeyneysa Ruushka inuu ka dambeeyay weerarkii suntan neerfaha waxyeeleysa ee loo geystay Sergei iyo Yulia Skripal. Moscow ayaase dafireysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso