Daawo- Wareysi Hore-Somalia Waa Cadowgeena Kowaad Ee Somaliland Leedahay,waxaanan Leeyahay..- Cabdiqani Kabtanka

(Toggaherer)-Daawo- Wareysi Hore-Somalia Waa Cadowgeena Kowaad Ee Somaliland Leedahay,waxaanan Leeyahay..- Cabdiqani Kabtanka..

Wareysi Aanu la yeelanay Xoghayaha xidhiidhka Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka (UCID),waxaanu xoghayuhu si cilmiyeysan uga hadlay farogalinta ay xukuumada taagta daran ee Aan iskeed isku maamuli karin  Somalia ay ku soo qaday qaranka Somaliland,Waxaanu xoghayuhu uu si gaar farta ugu fiiqay In Maamulkaasi taagta daran Somalia aanay wax shaqo ah ku lahayn marsada Berbera ,balse baryahan dambe la soo baxay laab lakac iyo sheegashooyin aanay waxba ka jirin oo ay maamulka taagta daran ee muqdisho fadhiyaa ay caadaysteen oo ay ku daandaansanayaan Qaranka Horumaray Ee Somaliland.

Geesta kalana Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Iyo Degmooyinka Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Md-Cabdi Qani IBraahim Salaf(Kabtanka )Waxa uu Maamulkaasi taagta daran uu uga digay in ay ka waan toobaan farogalintaasi ,isla markaasina Qaranka Somaliland aanay u dulqaadan doonin in Hal taago dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo,iyadoo wixii ku dhaca ay ka qoomamay doonaan muddo dheer ,waxaanu Beesha Caalamka ku wargaliyey xoghayuhu in wixii gabood fallo ah ay somlia ay dusha u ridan doonto ,haddii ay faraha kala bixiwaayan qaranka isku tashaday Ee Somaliland ,iyagoo ka muraaru dilaacay heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera Ee Dp-world-ka,oo ah Guul wax ku ool ah oo u soohoyday Qaranka Somaliland.

Daawo-Muuqaalkaasi:

Advertisement

Ku Xayeysiiso