-Qaza-“Falastiini Ku Dhintay” Gantaal Lagu Ganay Qaza

(Toggaherer)-Qaza-“Falastiini Ku Dhintay” Gantaal Lagu Ganay Qaza

Falastiini beeralay ah ayaa dhintay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay Israa’iil riday gantaal, sida ay sheegeen waaxda caafimaadka ee Falastiin iyo dadka deegaanka.Falastiin

Weerarkan ayaa dhacay qaybtii hore ee Jimcihii, wuxuuna ka dhacay meel u dhaw magaalada Khan Yunis oo dhanka koonfurta kaga beegan magaalada Qaza, sida uu sheegay afhayeen hadlay.

Milatariga Israa’iil wali kama uusan hadlin weerarkaas.

Deegaankaas waxaa ka jirtay xiisad balaaran ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay toddobada maalmood ka dhacaan xudduudda Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso