Howsha ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay Ee Liberia oo Maanta Ku Eg.

(Toggaherer)-Howsha ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay Ee Liberia oo Maanta Ku Eg.

Ciidamada Qarmada Midoobay ayaa Liberia ku sugnaa 15 sano

Howlaha nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalka Liberia ayaa maanta soo afjarmaya oo soo dhamaanaya.

Ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa dalkaasi Liberia ku sugnaa 15 sano iyada oo dalkaasi uu ka gudbay imika dagaalkii sokeeyay islamarkana nabad laga islaaxiyay.

Ku dhawaad 16,000 ciidamo ah oo ka kala socday in ka badan 10 dalk ayaa ka qayb qaaty howlgalkani oo loo soo gaabiyo UNMIL.

Dad lagu qiyaasay 250,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii sokeeye ee Liberia ka socday intii u dhaxaysay 1989 ilaa 2003.

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ku barakacay saddex meelood marka loo dhigo dadka dalkaasi meel.

Warbixinada qaar ayaa muujinaya in 80% haweenka iyo caruurta ree Liberia ay la kulmeen tacadiyo dhanka galmada ah intii uu dagaalka socday.

Tan iyo intii uu dagaalkii Liberia dhamaaday waxaa dalkaasi laga qabtay saddex doorasho madaxwayne.

Advertisement

Ku Xayeysiiso