Trump Oo Dhakhtarkiisa Gaarka Ah Xil U Magacaabay

(Toggaherer)-Trump Oo Dhakhtarkiisa Gaarka Ah Xil U Magacaabay.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay shaqa ka fariisiin uu ku sameeyay xoghayaha arrimaha ciidamada howlgabka noqday, David Shulkin waxa uuna soo xulay in uu badalo dhakhtarkiisa gaarka ah.

Ronny Jackson ayaa ahaa dhaktarkii ugu horreeyay ee daaweeya Mr Trump abishii January

Madaxwaynaha oo qoraal uu Tweetarka ku soo qoray waxa uu u mahadceliyay Mr Shulkin waxa uuna sheegay in xilkaasi uu u soo xulay Admaraal Ronny Jackson, oo ahaa dhakhtarkii ugu horreeyay ee daaweeya markii uu xilka qabtay bishii January.

Saraakiil aan magacyadooda la xusin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Mr Shulkin uu noqday caqabad taasi oo ah wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa.

Sargaal ka tirsan Pentagon oo lagu magacaabo Robert Wilkie, ayaa noqon doona sii haya xilka xoghayaha arrimaha ciidmada rug cadaaga ah ee howgabka noqday.

Waa mid ka mid shaqa ka tagida iyo badalad xiriir ah oo lagu samaynayay muddooyiinkii ugu dambeeyay xubnaha golaha wasiirada ee madaxwayne Trump.

Dadkii ugu dambeeyay ee uu madaxwayne Trump xilka ka qaado ayaa waxaa ka mid ahaa xoghayihii arrimaha dibadda , Rex Tillerson, iyo la talihii amniga qaranka HR McMaster.

La taliyihiisii sare dhanka dhaqaalaha Gary Cohn, ayaa sidoo kale shaqada ka tagay ka dib markii uu soo baxay qorshihii madaxwayne Trump uu canshuuraha dheeraadka ah uu ugu soo rogay birta naxaaska.

Advertisement

Ku Xayeysiiso