SOMALILAND MAXEY KAGA DAYAN KARTAA MOSEMBIK IYO RWANDA QALINKII PROF.MOHAMED AHMED FARAH(JAAFAA)

Maxaan ka barankarnaa horumarka wadamada hore uu usoo rogaadiyey dagaaladda sokeeye, jabhaddo iyo qabaail,  oo maanta ku talaabsadey muddo yar oo lataaban karo, horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba leh?, 

Bal ila milicso akhriste wadamada Mosembik iyo Rwanda, waxay hormood u noqodeen wadamada Africa  in ay kaga daydaan maamul wanaaga, la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa hadaba is weydiin mudan, maxaa sabab u ah horumarka dalalkaa, maxaase ka hortaagan dalkeena Somaliland horumar la mid ah dalalkaa, maxeynuse ka baran karnaa horumarkaa.

Dadka falanqeeya siyaasada geeska Africa waxay aminsanyihiin  in horumarka Mosembik iyo Rwanda gaadhay ay sabab u tahay Hogaanka madaxweynayaasha tallada gacanta ku qabtay sida Paul Kagame iyo Joaquim Chissano oo ahaa generaaladdii hogaaminayey jabhaddii ku  guuleysetay in ay talada wadanka la wareegaan. 

Waxaa xaqiiq ah in markasta oo wadan galo dagaal sokeeye in uu ubaahanyahay hogaamiye adag oo leh  arigti dheer iyo xeel siyaasadeed oo qotodheer si uu u maareeyo caqabadaha ka dhasha  colaada sokeeye ee ku salaysan qabiilka iyo maamulxumida. Waxaa la isku raacsan yahay in Mosembik iyo Rwanda ay nasiib u yeesheen in ay helaan hogamiyeyaal daacad ah lehna aragti dheer oo u suuragelisay muddo yar gudeheed in uu kaga saaro marxaladii adkayd gaarsiyeyna iskufilaansho dhinacya badan taabanaya.

Somaliland waxay soo gashay dagaalo sokeeye ooaan qorsheysneyn. Taasi waxay keentay in ay u kala qeybsamaan qabiil qabiil,  kadibna  kooxo kooxo ay hogaaminayeen shaqsiyaad aan laheyn aragti qaran oo mideysneyn, muhiimadooda ugu weynina ay ahayd sidii uu  midba midka kale u majaxaabin lahaa . Taasi na waxay dhashay in uu dagaalkii sokeeye sii dheeraado ayadoo soo dedijisay burburkii kaabayaasha dhaqaalaha iyo heyadihii dowliga ahaa.

Hadaba maxeynu ka baran karnaa horumarka dalalkaasi ku talaabsadeen, waa Hogaamiye daacad ah, wadninimo leh  isla markaana dib u habeeya dhamaan hey’adihii dawladda  iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waa in la helaa heya’do si hufan ula xisaabtama masuuliyiinta ku takri fala xoolaha ummadda oo ay masuulka ka yihiin.  Intaas markaan helno ayaan gaadhi karnaa horumarka Mosambik iyo Rwanda ku talaabsadeen oo kale.

QALINKII 

PROF, MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)

KRISTIANSAND, NORWEY.

Advertisement

Ku Xayeysiiso