Tehran oo diidday inay ku hubayso Xuutiga gantaalo Sheegtayna in ay awood u leeyihiin inay soo saaraan

Ciidamada Kacaanka Iran ayaa beeniyey eedeymaha Sacuudiga ee sheegaya in Tehran ay ku hubayso Houthis Yemen gantaalada Balaastikada, maalin kadib markii Houthis ay bartilmaameedsadeen magaalooyin Sacuudiga ku yaal ayna ku ku rideen toddobo gantaal.

“Qof waliba wuu ogyahay in dhammaan dariiqayadii la marin lahaa hub loo diro Yemen la xidhay,” ayuu yidhi Tiduwa, oo ah ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Kacaanka ee arrimaha siyaasadda.

“Yamaniyiinta hadda waxay awoodaan inay soo saaraan hubkooda difaaca ah, oo ay ka mid yihiin gantaalo, taas oo ah mid aanay rumayan karin Sucuudiga,” ayuu ku daray.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso