Khudbadii Madaxweynaha ee Dawlada Hoose

Hadal waayeel waa guud mar ee xilbay adhi jir wadaagta aduun waa xeerba xeere

Madaxwayne muuse biixi cabdi qudbadiisi shalay ee golaha deegaanka hargeisa waxa jiray madaxwaynahu si toos ah umuu durin danta iyo hawsha waxqabadlaan ee dul hoganaysa moyarka iyo golahiisa deegaanka hargeisa ee wuu u tudhay una dul maray hadalka moyar sotelco hees baa tidhaahda aduun waa xeerba xeero oo sidii weeye xabag cadaadeed xillbay adhi jiri wadaagtaa ma noqonayso in madaxwaynahu uu kusii talax tago moyarka oo ka soo jeeda xubnahii ugu firfircoona xisbiga kulmiye waqtigii doorashada madaxtooyada hargeisa taas ayaa kaliftay in madaxwaynahu uu u dul maro hadalkiisi dhulka danta guud iyo garoomada ciyaaraha ee la boobay goobaha gadiidka parcking ee suuqa caasimada baroortu orgiga ka wayn shacbiga ku nool caasimada hargeisa waxba uma kala qarsoona si waynbaana markhaati looga wada hayey dawlada hoose ilaa heer shaambadaha la xado sidii loo boobi lahaa hantidii umada looga soo ururiyey cashuurta dhibkaa foosha xunleh ma noqon karo mid lagu xeerin dabooli karo shaadhka iyo halganka xisbiga kulmiye

Hadal waayel waa guud mar madaxwayne muse waxbadan ayuu ogyahay hadaanay soo dhawaan mudo xiloodkodu wuu kala diri lahaa dhamaan ma odhan karaa maya madaxwaynaha waxbaa u diiday in uu boogta uu saro

Hadaad madaxwayne muuse biixi cabdi aad tahay miyaad siin lahayd bilad sharaf moyarka waxa mudan in la xuso hooyoyinka aqoomaha daadahaysanaya caruurtooda ee subax kasta ku soo kalahaaya xafiis madhan xafiiska moyarka iyo moyar ku xigeenka yay u dacwoodan mee golahii deeganka ee ay doorteen waxa ka dhacday

Dalku waxa manta uu u baahan yahay in aad loo adkeeyo sharciyada looga baahan yahay musharixiinta kasoo jeeda xisbiyada ee u tartamaaya golaha deeganka dalka si aanay u noqon sida manta dibna ay u soo noqoto yididiiladi iyo kalsoonidii shacbiga ee doorashada goloyaasha deegaanka dalka ha ugu horayso hargeisa

Tani waa daalkii iyo juhdigii ku khasaaray doorashadii golaha deegankii u dambaysay eeg niyada iyo farxada ay u taagan yahiin hooyoyinka raadinaya dadka wakiil ah oo wanaagsan
Waxa lumay hankii iyo siyaasadii goalkii doorashada golaha deeganka caasimada hargeisa ay bulshadu ka rabtay in ay ku raadiso isbadal maamul wanaagsan iyo wakiilo wax ka qabta baahiyaadkooda sida bilicda qurxinta iyo nadaafada caasimada daryeelka caafimaadka iyo wax barashada waxay ahayd maalmo kulul oo ay kaga qayb qaadanayaan oololaha doorashada iyo codbixinta waxa laga soo tagay daryeelkii qoyska ee hooyoyinka caamada hoyada xaamilada umulaha oo ka daacad ahaa aaminadii iyo rumayntii balan qaadkii musharaxiinta waqtiga ololahooda doorashada in ay wax ka qabanayaan rabitaanka shacbiga ku nool caasimada hargeisa
Waxa laga jooga hal doorasho oo goole deegan oo lagu sabootiyey golahii deegankii u horeeyey oo u badnaa rag masuuliyin ah oo ku sifoobay in ay ka dhabeeyen himiladoodii iyo balan qaadkii doorashada ay dib ugu celiyeen najiido dadwaynahii soo doortay najiido wax qabad oo aan la xaqiri karay sida wadooyinka ku dul wareega caasimada hargeisa ka qayb qaadashada nadaafada caasimada iyo wareejinta qashinka oo lagu wareejiyey shirkada private secters etc
Waxa kale oo aan la ilaawi karayn golaha deeganka ugu horeeyey oo lahaa han damac siyaasadeed iyagoo isku dayey in doortan moyar iyo ku xigeen si ay u dardar galiyaan masuuliyada iyo himiladooda wax qabad eek u wajahan caasimada halka ay ku heeshiyeen golahan deeganka iyo moyar sotelco in aan la iska hor iman dhexdooda kuna midooban dhiig miirasho hanta lunsi dhul boob cadaalad xumo qiimayn la an kuraas madhan buuxso ana I eeg

Taas waxay ku yeelatay niyad jab xoogan qanac ay dib shacbigu uga istaagan doorashadii madaxtooyada dalka ka qabsoontay oo diwaan galintii iyo qaadashadii kaadhadhka cod bixinta oo shacbiga ku dhaqan magaaloyinka dalku ay dib uga istaagen
Ogow golayaasha deeganka daku waxay ka soo bixi jireen qoysaska maalqabeenka gobolada dalka oo ahaa dad la yaqaano dhisantahay heerkooda waxbarasho

Waxa is waydiin u baahan la xisaabtan la anta ka jirta dawlada dalka ka talisa iyo fadeexada daafaha u sudhan
Moyarka iyo golehisa deeganka iyo sida u wajiib tahay in ay iscasilaan mudada ka hadhay sanadkan 17 march ka hor 2019 00 ku eg waqtiga doorashada golaha deegaanka ee qabsoomi doonta hadii alah uu idmo

Fariin shacbiga ku nool caasimadaha dalka waxaan leeyahay ogaada codkiina ilaahay wuu idin waydiinayaa ee ka fiirsada cida aad siinaysan codka ha ku bixinina codkiina caadifad qabiil ku taamilo qaata aragtida iyo fool xumada caasimada hargeisa ay ku sugantahay

Fayo-dhawre madax bannaan la soco
buux2010@gmail.com
0634130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso