Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo qabatay kulan wadatashi ku saabsan maalgashiga qurbajoogga iyo caqabadaha haysta

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa qabatay kulan wadatashi ku saabsan Maalgashiga Qurbajoogga Somaliland iyo caqabadaha haysta kaasoo ka dhacay Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa, waxana kala soo qaybgalay tiro badan oo ka mid ah qurbajoogga maalgashaday ganacsiyada kala duwan ee dalka, wasiirrada Arrimaha Debadda, Maalgashiga, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Xildhibaanno, iyo martisharaf kale.

Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire oo shirka furay ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leeyihiin iyo doorka waafiga ah ee qurbajoogga Somaliland ku leeyihiin dhaqaalaha wadanka isagoo hoosta ka xarriiqay in illaa hadda oo dhoofkii xooluhu taaganyahay uu dalku si weyn ugu tiirsanyahay lacagta ay qurbajooggu soo diraan iyo kaalinta ay kaga jiraan dhaqaalaha dalka. Wasiirku wuxu ku dheeraaday sida loogu baahanyahay in la dhiirigeliyo maalgashiga dalka, iyo sida loo baahanyahay in wax looga qabto caqabadaha jira hadba sida loo awoodi karo, waxa kale oo uu si guud uga jawaabay su’aalo badan oo qurbajooggu waydiiyeen. Wasiirka Arrimaha Debaddu wuxu aad u dhiirrigeliyay in qurbajooggu qaab iskaashi leh iyo wax waxwada qabsi, waxanu warwar ka muujiyay inaanu jirin oo habboon oo dawladdu gacanta ku hayso oo maalgashadayaasha la siin karo isagoo ku taliyay in loo baahanyahay in siyaasad fiican aan dawlad ahaan ka yeelanno arrintaas.

Guddoomiyaha Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi oo ugu horrayn ka hadlay shirka ayaa sheegay in ujeedada ay kulan u qabteen la xidhiidho qaybta koowaad ee daraasad xog ururneed oo ay dhawaan ka fuliyeen Caasimadda oo ku saabsaan in la ururiyo, la habeeyo la wada diwaangeliyo xogta maalgashiga qurbajoogga ee dalka, isla markaana la daraaseeyo oo la ogaado caqabadaha jira, lagana shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa ee loo dhirrigelin gelin lahaa maalgashiga qurbajoogga ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiye Dayaxweerar wuxu ka hadlay inay kadib daraasaddaas (Pilot survey) iyo codsi uga yimi ganacsatada qurbajoogga ah u qabteen kulankan in lagu soo bandhigo caqabadaha jira, sidaa awgeedna ay ku soo martiqaadeen Wasiirrada Arrimaah Debadda, Maalgashiga, Ganacsiga, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Waaxda Socdaalka, Duqa Caasimadda iyo dhinacyo kale oo xukuumadda ka tirsan.

Inkastoo aanay masuuliyiintii lagu martiqaaday ka soo wada xaadirin madasha iyadoo qaarkood sababo macquul ah awgood u cudur daarteen, waxa ay hadana ganacsatada qurbajoogga ah ee ka soo qaybgashay kulanku soo jeediyeen su’aalo doora oo ku saabsan caqabadaha jira ee carqaladda ku ah maalgashiga qurbajoogga ee dalka JSL, waxana ka jawaabayay Wasiirrada Arrimaha Debadda, Maalgashiga, Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga.

Su’aalaha ay qurbajooggu waydiiyeen masuuliyiinta iyo arrimaha ay cabashooyinka ka muujiyeen ayaa intooda badan la xidhiidhay nidaamkCASHUUR QAADISTA dalka oo ay ku tilmaameen inaanay midaysnayn loona qaado qaab isku mid ah ganacsi iyo mid weynba, iyo CASHUUR DHAAFKA maalgashiga qurbajooggu u baahanyahay iyadoo qurbajooggu tilmaameen in shuruucda maalgashiga debaddu taageerayso uun maalgashadaha ajaanibka ah oo kaliya, isla markaana aanay ganacsatada qurbajooggu ka helin xukuumadda taageero iyo dhiirrigelin kale oo kobcinaysa maalgashigooda iyo qodobo kale. Waxa ka mid ahaa iyana su’aalaha loo soo jeediyay wasiirrada siyaasadda xukuumaddu la leedahay xagga shaqaalaha ajaanibka ah ee ganacsatadu ka maarmi waydo inay soo qaataan iyagoo qurbajooggu tilmaamay in marar qaar caqabad ku noqdaan inay dalka ka helaan dad leh xirfado aqooneed iyo farsamooyin shaqo ganacsiyadoodu u baahanyahay balse marka ay debadda ka soo keenaanna ay ku dhacdo in ganacsatada kale ee dalku kala baxaan ama ka qaataan, isla markaana uu sharciga iyo dawladdu waxba uga qaban waydo.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Mudane Maxamed Axmed Caawad ayaa uga warramay qurbajoogga inay dib u eegis ku wadaan xeerkii maalgashiga debadda oo wax laga bedelayo, isla markaana aan dhiirrigelin maalgashadaha ajaanibka ah balse sidoo kale taageeraya maalgashadaha qurbajoogga muwaadinka u ah Somaliland. Wasiirka Maalgashigu waxa kale oo uu ka hadlay in sida caadiga ah cashuur dhaaf loo sameeyo waxyaabaha muhiimka ah ee dhiirrigelinaya maalgashiga dalka sida warshadaha. Waxa kale uu Wasiirku u sheegay qurbajoogga inay dhiirrigelinayaan soo noqoshada qurbajoogga oo reeraha soo guuraya ee agabkooda guryaha sita aanay dawladdu waxba ka cashuurin balse aanay suurtagal ahayn in laga dhaafo baabuurta ay soo qaadanayaan ee la soo degayaan.

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Sacad Iidle (Saajin) ayaa sheegay inay dhiirrigelinayaan maalgashiga qurbajoogga iyo cashuurka wixii lagama maarmaan u muuqda ee taageeraya, waxanu hoosta ka xarriiqay inaan waxba walba cashuur dhaaf loo samayn karin, isla markaana ay habboontahay in qurbajooggu iskaashado oo wax isku darsadaan oo shuraako noqdaan taasoo markaa u sahlaysa in waxbabadan loo fududeeyo oo taageeraya maalgashigooda iyo waxsoosaarka buuran ee ay dalka ku soo kordhinayaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Mudane Maxamed Shukri ayaa uga warramay qurbajoogga fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, isla markaana kula taliyay inay ku dadaalaan maalgashadayaasha qurbajooggu inay daraasad iyo hubsiimo badan sameeyaan ka hor inta aanay guda gelin maalgashiga si ay uga badbaadaan qorshe xumo iyo khasaare ay geli karaan, isla markaana uu ganacsigoodu u noqdo mid guulaysta. Mudane Shukri ayaa ka hadlay in filashada qurbajooggu aad u sarrayso markaa ay ganacsiga bilaabayaan balse marka dambe hoos u dhacdo taasina ay ku timaado ciddii aan daraasad dhamaystiran ku samayn qorshahooda ganacsi

Hay’adda Qurbajoogga ayaa ku soo martiqaaday shirka masuuliyiiinta iyo wakiillo ka socday shirkadaha diyaaraha qaarkood iyo wakiillada socdaalka ee dalka oo ay ka mid ahaayeen Ethiopian Airlines, Fly Dubai iyo Air Arabia, waxanu Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Qurbajooggu sheegay inay ka codsanayaan in shirkadaha diyaaraha ee ka hawlgalku kala shaqeeyaan barnaamijyada soo dhawaynta iyo u adeegista qurbajoogga sida shirarka muhiimka ah ee maalgashiga, barnaamijyada dalxiiska, dhaqanka iwm, waxanu si gaaar ah carrabka ugu dhuftay in shirkadda Ethiopian Airlines ka wada hadleen wada shaqayntaas, kuna rajo waynyihiin inay si fiican ugala shaqeeyaan, shirkadaha kalena ku daydaan. Wakiilka ka socday Shirkaddaas Mudane Estinafous Weikema (Area Manager) oo ka hadlay shirka ayaa ka warramay adeegyada duulimaad ee shirkadda iyo macaamilka weyn ee ka dhexeeya qurbajoogga Somaliland, waxanu soo dhaweeyay codsiga Hay’adda Qurbajoogga isagoo ballanqaaday inay kala shaqayn doonaan hirgelinta barnaamijyada dhiirrigelinaya qurbajoogga Somaliland uu ka midyahay dalxiiska.

Sida ku salaysan xogta (Findings) daraasadda ku aadan maalgashiga qurbajoogga oo Hay’addu ku samaysay 120 ganacsi qurbajooggu leeyihiin oo ku yaalla Hargeysa, waxa ka mid ahaa su’aalaha ay qurbajooggu usoojeediyeen masuuliyiinta qodobadan hoose:-

1. Somaliland ma leedahay nidaam cashuureed oo horumarsan?
• Ganacsatada qurbajoogga Somaliland waxa ay dareemayaan inaanu jirin nidaam cashuur qaadiseed oo horumarsan, sidaa awgeedna, waxa lagu wada cashuura ganacsiyada qiime isku mid ah
2. Waa maxay cashuur dhaafka dawladda ee loo sameeyo maalgashadayaasha qurbajoogga? Haddii aanu jirin maxay dawladdu dhiirrigelinaysaa inay cashuur dhaaf, dhiirrigelin kale iyo kabisba ugu samayso ganacsatada qurbajoogga ah?
• Heerka maalgashiga qurbajoogga ee ganacsiyada kala duwan ee dalka gaar ahaan caasimaddu wuxu u muuqdaa mid aad usoo kordhaya sannadba sannadka ka dambeeya;
• Soo noqoshada qoysaska qurbajoogga ah ee sida rasmiga ah dalka ugu soo noqonaya, isla markaana la soo degaya agabkoodii guryaha iyo gaadiidkoodii ayaa soo badanaya sida ay ku soo wargeliyaan Hay’adda Qurbajoogga;
• Ma jirto qorshayn dhul deganaansho lagu soo celiyo qurbajoogga, iyo sidoo kale mid loogu talo galo ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga guud ee dalka.
3. Maxay ku kala duwanyihiin maalgashadaha ajaanibka ah iyo maalgashadayaasha muwaadinka qurbajoogga ah marka loo eego Xeerka Maalgashiga Somaliland?

• Xeerka Maalgashiga Somaliland wuxu u dammaanad qaadanayaa dhiirrigelin (Incentive) maalgashadaha ajaanibka ah, laaliin waxba ka caawin maayo maalgashaayaasha qurbajoogga dalka u dhashay ee iyaguna dibadda ka soo noqonaya
4. Waa maxay siyaasadda uga taalla dawladda Somaliland cududa shaqaale ajaanibka ah ee ganacsatadu debadda ka soo qaatan?

• Ganacsatada qurbajoogga Somaliland waxa ay dareemayaan in shaqaalaha muwaadiniinta ahi aanay mararka qaar ka hooseeyaan heerka xirfadaha aqooneed iyo farsamo oo caqabad ku noqota maalgashiga qurbajoogga kuna kallifta inay shaqaale debadda ka doontaan;
• Qurbajooggu waxay qabaan cabashooyin ah in ganacsatada dalka ee la tartamayaa kala baxaan ama ka xadaan shaqaalaha xirfadda leh ee ay debadda ka keensadaan taasoo dhaawac gaadhsiisaa ganacsiyadooda, isla markaana aan waxba looga qabanayn dhibaatadaas.
5. Waa maxay siyaasadda dawladda Somaliland ee waxka qabashada noocyada ganacsiga la iska daba rarayo iyo ilaalinta xuquuqaadka lahaanshaha hantiyeed?
6. Qurbajoogga Somaliland ee dalka maalgashanaya ama ku soo noqonaya waxa ay sidoo kale cabashooyin iyo dareennada ay ka qabaan inaanu dalku lahayn shuruuc xagga dalxiiska ah, inaan sidooda loo fulin qandaraasyada iyo heshiisyada la wada galo, in kiisaska maxkamadaha iyo qaraarada garsoorku ay muddo dheer qaataan iyadoo joogitaanka dalka ee dadka qurbajoogga ah qaarkood muddo kooban yahay oo wakhtigu ku yaryahay, in qurbajoogga looga eexdo ganacsatada dalka, inaanay jirin siyaasad qaran iyo shuruuc ka hortegiseed ama ilaalineed(Preventive and protective measures) oo khuseeya dadka qurbajoogga ah iyo gaar ahaan carruurtada ay dalka ugu soo celinayaan dhaqanka, diinta iyo mustaqbalkooda sida arrintii carruurtii dugsiga AL CASHIIRA ee Hargeysa.

Waxa ka mid ahaa ka soo qabgalayaasha shirka ee ganacsatada qurbajoogga ah iyo xubno kaleba oo ka socday dhinacyo kala duwan:- Masala Specialist Hospital, International Medical services, Young Muslim Academy, Xarago Company, Casri fashion, Asma Style, Royal Style, Weris Accessories, Café Barbera, Galool Café, Holland Diary food company, Saryan Museum, Hargeisa Cultural Center, Crown Hotel, Cafra Supermarket, Sugan Billicsan, Gacalle group Business, BM Cosmetics, Sahra’s Botique, Simple Divine, Kings Coffee, Haboon, Amiir Perfumes, Sumaya World, Altawba Perfumes, Horn Garden, Guleed Hotel, Habeen Dhalad, Alpha Beauty, North Star Medical Center, Quruxbila, Hubaal Cleaning service, Star Box, Himilo Restaurant, Nasrulah, Epyan Shoes, Good Super Style, Oderese, Sovocco, Adams Inn Hotel, Carayaabo ARH, Al-Ashira centre, AJ Poultry Farm, Boodhari Mills, UBI, Nabad Consulting, Bella Rossa, HYJ Consulting, The Review, Odorose Eng, Asad construction, Mandar Food Factory, Caroyabo Agriculture, Nuriye Napkins Factory, Eagle Fishing, Al xariiri Multi Service, Community Consultancy Development, Toosi Travel, Amalina Clinic, Som Fishing Coup, FB2 Berbera, IPX + AIGIC, SLN-TV, Cookies Time, Quantum-CES, Hawdolmo, Fishery Association, Royal Consultants Ltd, STC, North Rock, Chicago Huge, Seegaal Trade Co., Supreme Court, Biryani Restaurant, Sanka Group, European Colleague, Daus Company, Somaliland Vegetable Oil Comp, Arayaanbo Fadagi, Smart Jobs Co, DAS ACC, KHEYRAAD DEV. Association, United Pricic Industry

Advertisement

Ku Xayeysiiso