Mareykanka Oo sheegay In shuruudo Ay ku Xidhi Doonaan Wado Hadalada K/Waqooyi.

Hargeysa(Toggaherer))-Mareykanka Oo sheegay In shuruudo Ay ku Xidhi Doonaan Wado Hadalada K/Waqooyi.

Trump iyo Kim Jong-un

Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa sheegay in Go’aanka Kuuriyada Waqooyi ee ku aadan in hogaamiyahooda uu la kulmo madaxwayne Donald Trump ay tahay mid muujinaysa in takoorka iyo cadaadiska uu Mareykanka ku hayo uu shaqaynaysay.

Mr Pence ayaa sheegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan cadaadiska lagu hayo Pyongyang ilaa laga hirgalinayo hadafka ah in ay ka talabaxdo barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Dhanka kale Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin waqti iyo goob cayiman oo loo asteeyay inay ka dhacaan wadahadalada la sheegay inay dhexmari doonaan madaxweyne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeenka aqalka cad ee dalka Mareykanka, Sarah Sanders, ayaa sidoo kale ku gacan seyrtay in madaxweyne Trump uu aqbalay casuumaada ay fidisay xukuumadda Pyongyang shuruud la’aan.

Mar sii horeysay Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Heshiis lala gaaro Kuuriya Wuqooyi uu yahay mid muhim ah.

Madaxwaynaha ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in uu noqon doono heshiis u wanaagsan caalamka.

Balse madaxwayne Trump ayaa sheegay in cunaqabataynta saaran Kuuriya Waqooyi ay sii socon doonto.

Hogaamiyayaasha kala duwan ee caalamka ayaa iyagu soo dhaweeyay wadaxaajood dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dublamaasiyadeed, islamarkaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso