Xoolaha Dayacan Dalkeena W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Xoolaha Dayacan Dalkeena
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Waxa dalka Somaliland oo dhan iyo dhammaan soomaalida inteeda kale ay dhaqaale ahaan ku tiirsan yihiin xoolaha nool oo la’aan tood aanay soomaalidu waxaba ahateen,

hadaba iyada oo ay sida tahay ayaa Waxa suuqyada magaalada hargaysa aad ku arkaysa xoolo dariiqyada ama wadooynka tuban kuwaas oo isugu jira riyo, ido ,lo,, iyo meelaha xafadaha ah oo marmarka qaar ku arkaysid geel daaqaya ciinka iyo tiinka magalada ku yaal hadab marka laga reebo geela dhammaan inta kale oo dhan waxa ay tuban yihiin meeleha shaarica ah tusale ahaan riyaha hadaad eegto waxa aad arkaysa iyga oo intooda badani ay wadooyinka garaabo loogu qubay cunaya ama biyaha uskaga ah ee wadooynka hudheeladu ku qubaan cabaya ka dibna aad arkayso qaar badan oo ay baabuurtu kurta ka jareen ama ay jiidheen

Mida kale waxa ay la qabsadeen baabuurta iyo dhammaan waxii guuxaya oo dhan halkii ay ka didi lahayeen balse waxaba ka sii daran dadka wadooynka wax ugu qubaya kuwaas oo aan dareemayn dhibaatada xoolaha ka soo gaadhaysa
Balse waxa kuwaasna kasii daran dadkii dhaqaday iyagu xoolahan kuwaas oon dhammantood ka fikirin meesha ay xoolahani ay ku noolaan lahayeen iyo waxii ay cuni lahayeen toona,
gabagabadi waxan u soojeedin laha dhammaan dadka iyagu xoolahan leh iyo kuwa wadooynka baabuurtu maryso wax ugu daadinaaya in ay xoolaha sidan ka dayaan oo ay u tudhaan.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso