Tacsi Madaxweyne Alle ha u naxariistee, Marxuum Abwaan Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas

 

05/03/2018

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Abwaan Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 04/03/2018, magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Abwaan qaran oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo guud ahaan bulshada ku hadasha afka-Soomaaliga meel ay joogaanba, isagoo marxuumku bahda fanka ku biiray 1950-kii ahaana dadka faro ku tiriska ah ee hibadda Alle u siiyey curinta suugaanta kala duwan iyo majaajilada.

 

Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

 

 

Aamiin….Aamiin….Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Advertisement

Ku Xayeysiiso