Kulanka Djabouti 2 wuxuu noqon doonaa mid adag oo jilbaha la isku aasto!!! 

Kulanka Djabouti 2 wuxuu noqon doonaa mid adag oo jilbaha la isku aasto!!! 

Ma jirto is-makeeki iyo meel dambe oo lagu gabbadaa!!! 

By Ali Xaruuri 

Sida aynu warbaahinta ka dhegaysannay, xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in dhawaan mar kale dib loo ambaqaadayo wada-hadaladii muddada dheer hakadku galay. Waxayna caddaysay in ergada labada dhinac ee ka qeyb galaysa wada-xaajoodka u horreeya ay kala hoggaamin doonaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo dhiggiisa Farmaajo. Waxana la isla gartay in kulanka koowaad ee wada-hadalka lagu furayo dalka Djabouti, kaas oo ahaa dalab ka yimid xagga Somaliya isla markaan Somaliland ay aqbashay soo jeedintaa oo ah in mar labaad Djabouti ay gogosha fidiso. 

Aragtiyaha is diiddan Somaliland/Somaliya ee iska soo horjeeda 

Wada hadaladan dabadad dheeraaday waxay soo taxnaayeen tan iyo 2012-2018, waxayna haatan galeen sannadkii 6aad. Waa xukuumaddii saddexaad ee Somaliya ee wada-xaajoodka ka qeyb gasha iyo xukuumaddii labaad ee dhanka Somaliland. Ma jirto illaa hadda isu soo dhawaansho muuqda oo ku saabsan in uu heshiis rasmi ah dhexmaro Somaliland iyo Somaliya oo wax la isla meel dhigo. 

Somaliya waxay wada-hadaladan u qabta qaar dib-u-heshiisiin ah (Cadduur dhaw-dhawdu uma dhacsana). Somalilandna waxay doonaysaa kala gurasho iyo sidii loo kala bixi lahaa (Waa ciyaar ninba cayn u tumayaa) KAAF IYO KALA DHEERI. 

Gundhigga Kulanka Djabouti 

Ajandaha shirkan hor yaallaa wuxuu u egyahay mid aad uga misaan culus kuwii hore. Waxaa la saadaalinayaa in waxa ugu horreeya ee la isla soo qaadayaa uu noqon doono. 

1. Balan-ka-bixii iyo iyo fulin la’aantii heshiisyadii hore sida kii Hawada, deeqaha beni’aadamino iyo mashaariicda dib u dhiska iwm. 

2 / 3

2. Dhanka kale waxaa la filayaa in lagu soo qaado xiisadda amni iyo siyaasadeed ee dhawaan ka soo cusboonaatay xudduudda labada dal. 

Sida lagu wada haddii uu wada-hadalkani hore u sii socdo waxa la rajaynayaa in loo gunda dego nuxurka wada-xaajoodka iyo qaddiyadda masiiriga ah ee loo ballansanaa kuwaas oo ay udub dhexaad

U yihiin qodobadani:- 

Qodobkii 6aad ee shirkii London 23kii February 2012kii oo u dhignaa sidan: 

In Somaliland iyo Somaliya ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xidhiidhkooda mustaqbalka. 

Iyo Qodobada  2aad iyo 4aad ee heshiiskii kulankii Djabouti ee December 2014kii oo iyana ahaa sidan:

In arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo arrimhii hore loogu heshiiyey. 

In aan la siyaasadeyn deeqaha beni’aadamino, mashaariicda dib u dhiska lana dhiirigeliyo. 

Baahida cid dabada ka riixda fulinta go’aamada la gaadho 

Waxa la caddeeyey in Dalka Turkiga laga soo wareejiyey wada-hadaladii Somaliland/Somaliya, waxana lagu sababeeyey in mowqifka Turkigu yahay Somaliweyn sidaa daraadeedna aanu dhexdhexaad ka noqon karin wada-xaajoodka. Laakiin dawladda Djabouti ee kulankan mari gelinaysa lafteeda ayaa si aan gabbasho lahayn u aaminsan midnimadii lagu hungoobay ee lagu kala dhaqaaqay. Waxana xusid mudan in Madaxweyne Cumar Geelleh uu aragtidiisa si cad u dhiibtay oo uu yidhi “Annagu talo walaal haddaannu dhiibanno waxannu leenahay “DADKU SIDIISII HORE HA ISKU AHAADO”. Mudane Geellleh garaadkiisa ayuu hadlay, balse waa in la ogaado in aayo-ka-tashigga shacbigu yahay MID AAN LAGA HOR IMAAN KARIN. 

Djabouti iyo Somaliland ma aha keliya 2 dal oo jaarnimo ka dhexeyso ee waa dad ul iyo diirkeed ah oo walaalnimo iyo taariikh aad u dheeri ka dhexeyso. 

Waa dhab Djabouti in ay Turkiga uga xog-ogaalsan tahay xaaladihii iyo marxaladaha kala duwanaa ee dalka iyo dadka Somaliland soo mareen. Markase la milicsado taariikhda dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay doorka ay ku lahayd Xukuumadda Djabouti, iyo halkan ay ka taagan tahay, sababkasta ha ahaatee waa mid saamayn taban ku leh qaddiyadda Somaliland. 

3 / 3

illaa iyo hadda xog badan lagama hayo kulanka Djabouti iyo doorka ay shirka ka ciyaarayso iyo in dawlado kale ama ururro ay ku wehelin doonaa oo goob-joog ka noqon doonaan. Balse farqiga labada geesood (Somaliland iyo Somaliya) u dhexeeya oo aad u ballaadhan awgeed, waa arrin aan muhiim keliya ahayn ee lagama maarmaan ah in la helo cid dhexdhexaad ah oo lagu kalsoon yahay. 

Dad badan baa shaki ka muujiyey suurta galnimada in dawladaha ku lug leh Somaliya (danaha dhaqaale ama ciidan iwm ku leh) haddii laga qeyb geliyo wada-hadalada in ay dhexdhexaad ka noqon karaan, sababo la xidhiidha is-khilaaf maslaxadeed (conflict of interst). 

Tala bixin iyo Gunaanad 

Waayo-aragnimadii laga dhaxlay wada-hadaladdii hore Somaliland waa in ay wada xaajoodkan ku gashaa feejignaan iyo ka fiirsi ka badan kuwii hore. (Somaliland should think twice). 

Maadaama qorshihii wax lagu raadinayey socon waayey ka fursan mayso in wada tashi dambe la iskaga yimaaddo aadna looga baaraan dego qaab hufan oo midha dhal noqon kara. 

Ergada wada-xaajoodka Somaliland waa in ay dib isku habayso kuna saxdo wixii khaldaad jiray si looga taxadaro is-mari-waagii iyo carqaladihii keenay burburkii wada-hadaladii hore. 

Somaliland waa in ay la gola timaaddaa dood mug iyo miisaan leh oo ay ku kasbato beesha caalamka si wada-hadalada uga soo baxaan natiijada ay ka damacsan tahay. 

Wabillaahi Tawfiiq 

Qalinkii Cali Xaruuri 

Holland 

Advertisement

Ku Xayeysiiso