Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan gardarrooyinka farmaajo iyo dulqaadka Somaliland Dhinaca biya la,aantu habsatay Hargaysa ha la soo baxaan biyo ku filan,tabashada shacabka iyo Somaliland tixgelin la,aanta dawladda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan gardarrooyinka farmaajo iyo dulqaadka Somaliland Dhinaca biya la,aantu habsatay Hargaysa ha la soo baxaan biyo ku filan,tabashada shacabka iyo Somaliland tixgelin la,aanta dawladda.

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Dawladda farmaajo

Ka dib xasuuqii dawladdii somaliya u gaysatay bir ma gaydadii aan waxba ka galabsan ee shacabka dunta wanaagsan ee daacadda ah ee Somaliland, wali waxay la daba socdaan mar kale in ay xaquuq ba,an la haleelaan oo kii hore ka daran

taasina sinaba uguma suuroobayso waxaa la jooga xilli aan la is khiyaamayn Karin laysuna dhuuman Karin.

laakiin  reer Somaliland waxay ku jiraan feejignaan adag iyaga oo sidii hore ka awood badan ilaahay ayaa awooddaas siiyey

Haddiise dawladda farmaajo faraha kala bixi wado shacabka reer Somaliland ay soo xasuusinayso dhibtii iyo qaxii ay kula kaceen bulshada waxay diyaar u yihiin in ay is difaacaan ama warerba gaystaan.

Dawladda Somaliland

Wax badan ayey bulshada  reer Somaliland tabasho dhinac walba taabanayso soo bandhigtay laakiin waxaad moodda in ay dawladdu dhayalsanayso danyarta iyo beelaha qaarkood taasina waxay abuuri doontaa in ay beelaha walaaha ah dalkuna ka wada dhexeeyo sifahan waa soo dhexgalo, beelaha qaarkoodna biyo ku filan helaan ama kaba badan ,beelaha badidooduna harraad u surmiyaan taasina maaha tii loogu dhaartay waxaanay keeni doontaa caddaalad darro diinta islaamku aanay oggolayn dhaartuna waxay ka hor imanaysa islaamnnimada qofka been ugu dhartaana ee Allaha ugu dhartay waxay wax yeello ku tahay diintiisa uu sheeganaayo.

Waxaanu soo jeedinayna qodobbadan hoose.

  1. In ay degmooyinka caasimadda Somaliland ee Hargaysa ay hakad geliyaan cashuurta ay bixiyaan si biyo ugu doontaan, sida degmada Axmad dhagax ,Gacan-libaax,Maxamud Haybe,Maxamed Mooge,degmooyinka caasimadda ee iyagu biyaha hela waxaannu ugu baaqayna in ay ka qayb qaataan biyo u helidda degmooyinka magaalada kula nool ee aan biyaha helin,gobollada dalka waxaanu u sheegaynaa haddii dawladdu idinka gaabisay in aad iskaa wax u qabso biyo ku doonataan kol aad xoolihiina u iibisaan.
  2. Degmooyin aan biyaha helin in ay ka baxaan booyadaha laba  maalmoodka ah ee aan ku fillayn dhaqaalena ay iska ururiyaan sidii ay riigag ama balliyo ugu qadan lahaayeen.
  3. In ay dawladdu la timaaddo qorshe tilmaaman oo dalka horumarkiisa ah ,sida biyaha, caafimaadka, quudinta ama cashuur dhaafka danyarta,aqoonsiga oo wasiirka shirkadaha ku mashquulay in uu shaqadiisa qabsado.
  4. Qurba joogga reer Somaliland in ay ka qaybqaaataan horumarinta dalkooda hooyo taas oo u sahli doonta in ay qorbaha dhibatada badan ka baqoolaan qofna ma heli koro meel dalkiisa u dhaanta.
  5. Culimowdiinka in ay ka baxaan xisbiyo diineedka oo ay dalkooda u midoobaan samaystaanna urur mideeya .
  6. In nabadgelyada dalka loo midoobo.
  7. In bulshada reer Somaliland ku faanaan ciiddooda qabiilaysina ka baxaan gaarahaan dhalliyarada
  8. In ay madaxdhaqameedka warbaahinta luggooyada ku ah faraha kala baxaan cumaamaddoona ka ilaaliyaan waxyeellada,urur madaxdhaqmeed ahna samaystaan .
  9. In toosinta dawladda laga wada shaqeeyo ee aan mucaridka uun lagu eegin

Ha tuurin waran kugu soo noqon doona oo kugu dhaca adiga.

Ha moodin dalka in aad ka leeday bulshada kula leh.

Muwaaddinku adiga ayuu kaa bilaabma cid kale ha ku hallayn.

wax kasta oo aad qariso ogow dulmi ayaa ku jira.

qofna ha yaraysan hana ismoodin in aad ka caqli badantahay.

haddaad maanta xil hayso marka xilka aad ka tagto wajigaad bulshada ula tegi lahayd sii dhigo.

Allaah ayaa mahad leh innaga dhigay dad islaam ah.

Deeq Cabdi Digale

Attachments area

Advertisement

Ku Xayeysiiso