Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL

AQoon-yahan Yuusuf Mohamed Cabdi waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqooon yahanka ah ee qaranka Somaliland leeyahay,waa dhalin-yaradii la jaan qaaday dib u dhiskii qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waa masuul ku bar baaray u shaqaynta qarankiisa waxaanu 20 sanno ee u danbeeyay Ka soo shaqaynay Wasaaradda Maaliyada Somaliland,waxa uu waayo-aragnimo buuxda u leeyahay shaqadda wasiirnimo ee dhawaan madax-wayne Muuse biixi u magacaabay.Haddaba aan dib u Millic sano Sooyaal taariikheedkii Wasiirka Cusub ee Wasaarrada Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyada Soomliland innaga oo ka eegi Doona Dhinaca

Shakhsiyada Wasiirka Cusub,dhinaca Wax-barasho,Waay-aragnimo,dhinaca ,Heerarkiisii Shaqo.Ballan qaadyadiisii U horreeyay iyo siduu u ballan qaaday inuu Qaban doono Horumarka Loo Jeellan yahay.

Shakhsiyadiisa.

Intaan ka aqaan waa shakhsi ku xidhnaanshaha Alle aad ugu xidhan waa shakhsi cibaado badan,oo goobaha cibaadada lagu arko ,waa shakhsi leh aqoon Diimeed oo dhamaystiran. waa nin codkara ,hadal yaqaana ,aqoonyahana,ixtiraama qaderiyana bulshadiisa qaybaheeda kala duwan haday noqoto oday dhaqameedada,dhalinyaro haween,waa shakhsi dareema dadka danyarta ah ,waa shakhsi u tudha bulshadiisa kuna takrifalin awoodiisa,waa shakhsi ay jecelyihiin shaqaalihiisu iyo qaybaha kala duwan .

Heerarkiisa Wax barasho.

Aqoonayahan Yuusuf Mohamed Cabdi waxa uu kamid ahaa dhalin-yaradii ugu firfircoonayd dhinaca wax-barashada aqtiyadii dugsiyada hoose/dhex illa heer Jaamacadeed,Waxa kamid ahaa lodkii u horreyay ee ka qallin jabiyay Jaamacadda Hargeisa isagoo First Degree giisii kowaad ku qaata

ü  kulliyada dhaqaalaha iyo maamulka ( Faculty of Economic and Management Sciences)

sidoo kale waxa uu diyaariyay laba shahaado oo Master program ah waxayna kala a yihiin

  (Master of Public Administration ) oo uu ka diyaariyad jaamcada Ethoipan Civil Sercvice Universty,

ü  sidoo kale waxa uu shaadada master ka mar labaad ka diyaariyay Jamacada Villanova University oo ku taal wadanka maraykanka waxaanu ku qaatay shahaadada labaad ee master ka ah (Master of Public Financial Management ).

ü  Haddana waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyaddu wadaa master kale oo online oo uu ka diyaarinayo Master of International Trade (MIT) jaamacad ku taal wadanka Tazaniya laguna magacaabo Topeka University.

Heerarkiisa-Shaqo.

Heerarkiisa shaqo waxa uu wasiir Yuusuf waqtigiisa ugu badnaa ku soo qaatay wasaaradda uu hadda wasiirka ka yahay waxaanu ku soo biiray 1996 xilligaas oo uu ahaa arday ku jira dugsiga Hoose/Dhexe,waxaana shaqadda qoray Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland Saleban Maxmauud Aaden.Waxa uu shaqada Wasaaradda Maaliyadda ka soo bilaabay

ü  Waxa uu Shaqada wasaarada ka soo Billabay   Karaani, 

ü  Muddo ka dib waxa uu noqday sarkaal,

ü  waxa uu noqday madax qaybeed, 

ü  waxa uu noqday xafiiska kastamka 

ü  isagoo ka noqday office management, 

ü  waxa uu noqday maamule,           

ü  maantana waa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada

Wasiir yuusuf waxa uu sidoo kale kale ka soo shaqyay Hay,addo kala duwan oo Wasaaradda Maaliyadda kala soo shaqeyay dhinaca Horumarinta kuwaasi oo kala ahaa

  Adam Smith International Ltd Company  

  The Department for International Development (DFID).

 Sidoo kale waxa uu gudoomiye ka yahay Hay adda Dimuqraadiyda  Geeska sidoo kale waxa uu ahaa La taliyaha waaxda miisaanniyada ee Golaha Barlamaanka.

Waayo-aragnimadiisa.

Aqoon yahan Yuusuf, waaa aqoon yahan Soomaaliland, haystana shahaaddoyin heerka sare ee Master ta ah, waana khabiir waayo aragnimo fog uleh arimaha Horumarinta Maaliyada,dhinaca xisaabadka,dakhli soo saarka,Maamulka iyo maaraynt waxaanu ka soo shaqeeyay qaybo badan oo wasaaradda Maaliyadda ah.Waxa uu waayo-aragnimo buuxda u leeyahay nidaamka maaliyadeed ee wasaaradda Maaliyaddu u shaqayso.Waana sababta uu Madaxweyne Muuse Biixi usoo xushay shakhsi xul ah oo ka Bixi kara Caqabadaha faraha badan eek u Gadaaman Wasaaradda Maaliyadda.

Guntii iyo gababgadii Wasiir yuusuf ayaa waxa uu kamid yahay dhalinyarada sida qorraxda uga dhex ifaya golaha wasiiradda ee xukuumada Muuse sidoo kale waxa uu kamid yahay Wasiirada sida wayn shacabku ugu dhegtaagayo dhaqdhaqaaqooda,waxaana shacbi waynaha Somaliland rajo wayn ka qabaan inuu horumar ballaadhan ka sameeyo dhinaca shaqo-abuurka dhalinyarada,Horumarinta Maaliyadda,la daggaalanka musuq-masuqa,cidhib tirka sixir bararka xadhka goostay.Waxaaanu inta badan Hadalkiisa ka dhex muuqda inuu diyaar u yahay inuu xiddidada u siibo,musuq-maasuqa,sixir bararka.

              “Sarraynta shacriga”     “Hadal yar iyo Hawl badan”

Abdi Ahmd

Hargeisa Somalland

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso